GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO MAANTA SHIRAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA EE BJFS.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Villa hargeysa ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah. Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildibaanad Khadiija Maxamed AL-Makhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka kooban yahay, waxaana maadaamaa akhrinta koowaad uu marayay islamarkaana aanu wax dood ah ka furneyn, waxa ey Xildhibaanadda Golaha ey Wasiirka weydiiyeen su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo. Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise iney soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ey Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal u qaabilsan Saaxiibtinimada Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa doortay Guddoomiyaha cusub ee guddiga ka dib markii gudoomiyihii hore ee guddiga uu xilkaasi iska casilay. Doorashada oo ku dhacday hab gacan taag ah, waxa ey xubnaha Guddiga Guddoomiyaha Guddiga u doorteen Xildhibaan Qaali Cali Shire oo markii la doortay ka dib xubnaha guddiga uga mahadcelisay sida ey kalsoonida u siiyeen, iyada oo balan qaaday iney xooga saari doonto Xoojinta Xiriirka Saaxiibtinimo ee Baarlamaanadda Somaliya iyo Turkiye.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

UK OO DANJIRE CUSUB OO SOO DIRTAY SOOMAALIYA.

Next
Next

FAHAD YAASIIN OO MUCAARADKA KU TILMAAMAY KUWA LA KIREYSTAY.