FAHAD YAASIIN OO MUCAARADKA KU TILMAAMAY KUWA LA KIREYSTAY.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA U ADEEGA UAE.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa caadi ka noqday in si cad loo mucaaraddo dawlad kasta oo dalka ka curato mana jirto dawlad Soomaaliyeed aan la mucaaradin tan iyo markii uu dhacay shirkii Carte sannadkii 2-da kun. Muucaarad waa mid ka saxa sheegana khaladaadka dawladda si dib isugu saxdo laakinse Mucaaradka DFS ee Soomaaliya ayaan ahayn mid sidaas u shaqeeyo. Agaasimihii hore ee Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa cod dheer ku sheegay Mashruuca maalmahaan dardarta ku socday ey Musharixiinta Mucaaradka ah iyo dawladdo shisheeye ey isla wadeen, in kastoo warbaahinta qaar afka ka ilaalisay magacyadda shaqsiyaadka qaatay lacagta fawdada hubeysan lagu gelinaayo caasimadda Muqdisho iyo dawladda bixisay intaba,hadane Fahad Yaasiin oo looga bartay inuu yahay nin bareerihiisa aan la baqin ayaa sheegay in Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta ey toos u bilawday fulinta ajandayaal kharibaad ku ah danaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Fahad oo ka mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxa uu mar kale ku cleiyey ahmiyadda ey leedahay in nidaamka Xasan Sheekh la mucaaraddo lana dheeli tiro laakin wuxuu intaas raaciyey iney muhiim tahay in mucaaradniada la Soomaaliyeeyo oo la waafajiyo danaha maxaliga ah ee dalka oo laga fogaado in mashruuc Ajnabi laga dhigo Mucaaradnimada. Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin wuxuu xaaqiijiyey iney Dawladda Imaaraatka Carabta la xiriirtay qaar ka mid ah Musharaxiinta Mucaaradka eyna ka dalbatay in DFS la wiiqo dalkana la geliyo qalalaase uga sii deraayo xaalka dalka Soomaaliya. Fahad Yaasiin ayaa carabaabay in musharixiinta ey la kulmeen Imaaraatku in qaarkood yihiin kuwa ey horay saaxib u ahayeen sida C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shaqooyin u qaban jiray, waxa uuse nasiib darro ku tilmaamay in Musharixiinta ey Imaaraatku adeejiyeen markaan iney ku jiraan qaar markii hore loo heystay inaaney gorgortan ka geleynin danaha Qaranka sida Sheekh Shariif. Fahad ayaa qorshahaan cusub ku qeexay Mucaaradnimo kira ah oo nacfi u leh shisheeyaha. Dad badan oo Soomaali ah ayaa sida Fahad Yaasiin qaba in Madaxweyne Xasan Sheekh si adag loo mucaarado,qaladaadkiisan la iftiimiyo,doorashadiisa halka dhinaca ahne la diido laguna qasbo inuu talada dalka dhexda soo dhigo laakinse aan loo sdeegin dal shisheeye oo hadafkiisu yahay duminta dalka iyo dawladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la soo werinayaa inuu si weyn ugu baraarugsan yahay qorshaha socda, waxaane la sheegayaa inuu rabo inuu si muuqata uga falceliyo talaabooyinkaan guracan ee Imaaraatka Carabta kuwaaso si joogta ah fargelin ugu haayo Arimaha Gudaha ee Soomaaliya iyagoo aan waxba ka weydiin DFS. Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta waxa uu fargelin dadban iyo mid toos ahba ku hayaa dalal fara badan ey ka mid yihiin Liibiya, Yeman,Suudaan iyo Soomaaliya,Imaaraatku waa dal u adeega danaha dalal isaga ka tun weyn kana ilaaliya in lagu soo rogo ciqaabo caalami ah sida in Qaramada Midoobe ey saarto Cunaqabateyn dhinaca Hubka ah.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO MAANTA SHIRAY.

Next
Next

MW-BIDEN OO LAGA HELAY KANSARKA QANJIRKA.