RW-XAMSA OO KA QEYBGALAY XAFLADDA DHALLINYARADA TUTKIGA.

(SAWIRKA)-RW-XAMSA IYO WAFDIGIISA.

(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Md.Xamsa Cabdi Barre, oo galabta ka qeyb galay xuska maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mustaqbalka Qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay iney ku hagaan jidka toosan, si dalkaas horumar u gaaro. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray dowladda iyo Shacabka Turkiga, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhexeeyo xiriirka Saaxiibtinimo iyo mid Walaaltinimo oo soo jireen ah, kaas oo ku dhisan Is-ixtiraam, iskaashi iyo taageero. “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ey leeyihiin walaaltinimo qoto dheer, oo ku saleysan kalsooni iyo Is-garab istaag, maalmaheennii ugu adkaa, Türkiye wuu nagu garab istaagay, waxaa uu Soomaaliya la maray dariiq walba, isagoo dhisay Isbitaallo, Waddooyin, Iskuullo iyo rajo. Wuxuu tababaray ciidamada. Wuxuu xoojiyey Hay’adaha, Wuxuu garab istaagay shacabka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Munaasabadda ayaa intii ey socotay waxaa lagu soo bandhihay ciyaaro kala duwan oo lagu maamuusayey qiimaha maalinta dhallinyarada Turkiga ee 19-ka Maajo iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 Maajo. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Md. Fadli Ali Ahmed, oo ey ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda Qaxootiga iyo Jaaliyadda Yemen oo ey Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda. Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada, Dhaqanka, Bulshada iyo Ganacsiga, kaas oo saldhig adag u ah kor-u-qaadidda iskaashi ku dhisan dano wadaagga labada shacab ee walaalaha ah.

XIGASH-SNTV.



Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA TEGAY ISBITAALKA DE AMRTINO.

Next
Next

UK OO DANJIRE CUSUB OO SOO DIRTAY SOOMAALIYA.