MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA TEGAY ISBITAALKA DE AMRTINO.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO BOOQDAY ISBITALKA DE MARTINO.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka De Martino si uu ugu kuurgalo Xaaladda Caafimaad ee Geesiyaasha Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Kahwaarijta. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada halyeeyadan, isagoo carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ey mudnaan gaar ah siineyso daryeelkooda caafimaad, kana go’an tahay iney bixiso dhammaan taageerada ey u baahan yihiin.“Waxaad tihiin difaaca Dadka, Diinta, Dalka iyo Dowladnimada. Taariikhda ayaad baal dahab ah ka gasheen. Dowladda Soomaaliyeed mar walba way idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Intaa ka dib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka De Martino, isagoo warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaalka oo soo bandhigay adeegyada dadwayne ee uu Isbitaalku hadda bixiyo, caqabadaha jira iyo Qorsheyaasha Horumarineed ee u degsan mustaqbalka. Madaxwaynaha waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Md.Cali Shacbaan Ibraahim iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Md. Yuusuf Axmed Hagar iyo Maxamed Mursal oo ka mid ah saraakiisha Hayadda NISA. Dhinaca kale,Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Md.C/laahi Maxamed Nuur Sambalooshe oo ey wehliyaan Xildhibaanada kala ah C/raxmaan Axmed Cismaan Gureey iyo Xildhibaan Maxamed C/laahi Buraale”Raaxeeye”iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DG H/shabeele Md.C/raxmaan Daahir Guure Karoore. Booqashada masuuliyiintaan ayaa ku beegmeysa waqti adag uu halkaasi ka jirodagaal adag oo jilbaha la isu aasay loogana itaal roonaaday kooxda Alshabaab,dagaalka ayaa ka dhacay degaan u dhexeeyo degmooyinka Moqokori oo Hiiraan ah iyo degmada A/Yabaal oo ka tirsan G/shabeeladda Dhexe.

XIGASH-SNTV.


Previous
Previous

ITOOBIYA OO LUMISAY MAQAAMKEEDII GOBOLKA IYO CAALAMKA.

Next
Next

RW-XAMSA OO KA QEYBGALAY XAFLADDA DHALLINYARADA TUTKIGA.