ITOOBIYA OO LUMISAY MAQAAMKEEDII GOBOLKA IYO CAALAMKA.
(SAWIRKA)-MADAXDA UGU SAREEYSO ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Waa Qoraal Faallo ah laguna daabaca bogga Wargayska Addis Standard ee dalka Itoobiya waane sidan: Laga soo bilaabo Deganaan ilaa Sabayn, Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxay lumisay saamaynteeda iyada oo ey jiraan qalalaase gudaha ah, xiisadaha gobolka Mar haddii ey tiir u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika, Itoobiya hadda waxay isu aragtaa inuu ka jiro mid ka mid ah qalalaasaha dublamaasiyadeed ee ugu adag muddo tobanaan sano ah, ayuu qoraa Negera Gudeta oo ah qoraaga faalladan. Waxa uu ku doodayaa in dalka Itoobiya uu ku jiro qalalaase gudaha ah iyo xiriirka gobolka oo xumaaday, kuwaas oo labaduba aad u wiiqay saamaynta iyo maqaamkii caalamiga ahaa ee Itoobiya. Wuxuu xusuustaa in ka dib markii Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu xafiiska la wareegay 2018, Itoobiya loo arkayay inuu yahay nabad-sameeye gobolka oo soo ceshanaya xiriirka Eritrea iyo dhexdhexaadinta Sudan iyo South/Sudan . Laakiin, sida uu xusay, "guulahaas hore si dhakhso ah ayey u lumeen," isaga oo tilmaamaya "dagaalka Tigray,kacdoonnada gudaha, iyo isbahaysiga gobolka ee lagu muransan yahay" taas oo ah arrimo meesha ka saaray kalsoonida Addis Abeba iyo saamaynta caalamka. "In kasta oo kor u kaca Ra'iisul Wasaare Abiy ee hoggaanka awoodda ey la kulantay yididiilo caalami ah iyo sacab, sannadihii xigay waxay markhaati ka ahaayeen diiradda iyo udub dhexaadka siyaasadda arrimaha dibadda ee ku xeeran PM, halkaas oo go'aamada siyaasadeed ee muhiimka ah ee arrimaha dibadda ey ka tarjumayaan hammigiisa shakhsi ahaaneed iyo xisaabinta siyaasadeed," ayuu yiri Negera. Gudaha, waxa uu faahfaahinayaa, "Isku-shaandhaynta soo noqnoqda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale "magacaabidda shakhsiyaadka daacadda ah ee militariga iyo siyaasadda ee xilalka safiirnimo" waxay dhaawacday kalsoonida hay'adaha, kicinta xiisado cusub oo gobolka si horay loogu socdo, Negera wuxuu ku boorinayaa dawladda Itoobiya iney wax ka qabato kala qaybsanaanta gudaha iyada oo loo marayo "Wadahadal qaran oo dhab ah iyo dib-u-heshiisiin," iyo sidoo kale "iney dib u dhisto Hay'addeeda Siyaasadda Arrimaha Dibadda, dib-u-soo-celinta dalalka deriska ah, iyo dib u soo celinta kalsoonida caalamka." Faaladaan ayaa ah mid muujineysa heer ey taagan tahay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamka ee dawladda Itoobiya waqtigaan la joogo,arrintaan ayaa u muuqata in dawladda Reysal Wasaare dhul la gooysay waayo waxa ey banaanka keentay hoos u dhaca ku yimid maqaamkii ey Itoobiya ku leheed Gobolka iyo Caalamka.
XIGASHO-ADDIS STANDARD.