BOOLISKA LONDON OO DAD U XIRAY DABKII KA KACAY…
(SAWIRKA)-GAARIGA BOOLISKA.
(LONDON)-Booliiska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in muwaadin Romaniyaan ah lagu soo oogay dambiyo dab la xiriira Talaadada maanta ah, waa ninka labaad ee lagu soo oogay baaritaan ku saabsan dhowr dab oo ka kacay hanti la sheegay inuu iska leeyahay Ra'iisul Wasaare Ingiriiska Keir Starmer. Booliska ayaa loogu yeeray dab ka kacay hanti uu iska leedahay Starmer oo ku taal Waqooyiga London horaantii bishan Meey. Ma jirto cid wax ku noqotay, balse albaabka guriga ayaa waxyeelo soo gaartay. Laba dab oo kale oo maalmo kala duwan dhacay, oo lala beegsaday guri u dhowaa iyo baabuur oo labaduba la sheegay inuu leeyahay Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale qayb ka ah baaritaanka. Roman Lavrynovych oo 21 jir ah una dhashay dalka Ukrain ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah dabka todobaadkii hore. Booliska ayaa sheegay in muwaadinka u dhashay Romaniya, oo 26 jir ah Stanislav Carpiuc, uu kasoo muuqan doono Maxkamad ku taal London galinka dambe ee Talaadada maanta ah, isaga oo lagu eedeyay inuu maleegayay inuu dab qabadsiiyo naftiisa khatarne ugu geliyo. Waxaa Sabtidii lagu xiray garoonka Luton ee magaalada London. Booliska ayaa sidoo kale xiray nin saddexaad oo lala xiriirinayo dabka Isniintii. Waxa uu ku sii jiraa xabsiga booliska. Booliska la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa hormuud ka ahaa baaritaanka maadaama uu Ra’isul Wasaaraha ku lug lahaa. RW-Starmer, oo ku noolaa gurigiisa rasmiga ah ee 10 Downing Street ee bartamaha London tan iyo markii uu noqday Ra'iisul-Wasaaraha bishii Luulyo ee la soo dhaafay, ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka "Weerar nagu soo wajahan dhammaanteen, Dimoqraadiyadeena iyo Qiyamka aan u taaganahay."
XIGASHO-AA.