GADIIDLEYDA CABASHO KA AH DALAD AAN SHARCI AHAYN.
(ASAWIRKA)-MADAXA MAALIYADA EE DALADA XAARAANTA AH.YUSUF SH.MAXAMED WEHLIYE.
(MUQDISHO)-Maalmo ka hor waxa aan halkaan SUUQBACAAD MEDIA ku baahinay Cabasho ey qabaan Gadiidleyda iyo Milkiileyaasha Gaadoodka isaga kala gooshta Goboladda dalka gaar ahaan kuwooda u safra Goboladda dhexe, cabashadood ayey ku sameyn jireen goob qarsoodi ah balse maanta sheekadu waa mid taas ka duwan oo waxa ey heystaan Xuriyad ey Cabashadooda ku soo gudbin karaan ka dib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ey beri yeeshay. Dadkaan ayaa cabasho ka ahaay dalad ey sheegeen iney ka qaado lacago sharci darra ah, gaadiidleyda ayaa si qarsoodi ah waxa ey kula hadleen Warbaahinta Maxaliga ah goobo markaasi la qariyey, waxaane dhacday in qaar ka mid ah Gaadiidleyd iyo Milkiileyaasha kasoo muuqday Video-ga Warbaahinta baahisay in xabsiga la dhigay balse ugu dambeyntii Maxkamada ayaa beri yeeshay oo cadeysay ineysan wax dembi ah lahayn Dastuurkuna u ogolaanayo iney sameyn karaana Cabasho. Gaadiidleyda iyo Milkiileyaasha ayaa mar kale waxa ey magaaladda Muqdisho kula hadleen Warbaahinta Maxaliga ah iyagoo u mahad celiyey Maxkmadda Gobolka Banaadir oo si cadaalad ah u wajahday kiiska, ka dib markii qaar iyaga ka mid ah ey maalmo ku xirnaayeen saldhigayadda magaaladda Muqdisho. Mahad celin ka dib, waxa ey sheegeen in cabashadooda ey weli taagan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliyane ey uga fadhiyaan iney soo farageliso waxna ka qabto daladda ey sheegeen iney ka qaado lacago aan sharci ahayn kana baxsan Canshuurta DFS, sidoo kale, waxa ey tilmaamen iney cabasho ka yihiin Isbaarooyin ey sheegeen iney yaalaan G/shabeelada Dhexe ee DG H/shabeele kuwaaso tiro beel ah laguna qaado lacago sharci darra ah oo xad dhaaf ah, Gaadiidleyda iyo Milkiileyaasha ayaa fariin u diray Madaxda Qaranka uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud, Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir, iyagoo ka codsaday iney soo farageliyaan arrimahaan taagan, Gaadiidleyda ayaa sheegay iney sii wadi doonaan cabasadooda bacdaama ey tahay Dastuuri inta Madaxda Qaranka ey ka soo jawaabayaaan Cabashadooda la xiriirta lacagaha aan sharciga ahayn ee laga qaadaayo. Mid ka mid ah dadka qaba cabashada lana hadlay warbaahunta maxaliga ah ayaa sheegay lacagaha lagagag qaado Isbaarooyinka yaalo G/shabeeladda dhexe isagoo xusay qaar ka mid ah lacagahasi sida: Baabuurka PG-ga loo yaqaano ayaa laga qaada lacag gaareyso ilaa $400, TM-ka waxaa laga qaadaa lacag dhan $700 iyo Baabuurta yar-yar oo laga qaado lacag gaareyso ilaa $70, arrintaan ayaa ah mid u baahan in DFS ey baxdo si shacabkaan ogol iney bixiyaan canshuurta DFS looga qaadayo lacag ku dheceyso Jeebabka shaqsiyaad gaar ah ey leeyihiin. Gaadiidleyda iyo Milkiileyaasha ayaa cabasho ka ah masuuliyiin ey ka mid yihiin Madaxa Rugta Ganacsiga Suuqbacaad Yuusuf Maxamed Wehliye oo ah Madaxa Maaliyadda ee Daladda, Cumar Fareey Muuse, oo ah Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyadda Dawladda Hoose ee Xamar iyo Taliyaha Booliska G/Banaadir Col.Macallin Mahdi.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.