DUQEYN CULUS OO KA DHACDAY JILIB.SABLAALE IYO KUUNYA-BARAW.

(SAWIRKA)-DRONES.

(MUQDISHO)-DEG DEG: Wararka laga helaayo Goboladda Jubadda Dhexe iyo Sh/hoose ee DG J/land iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in degaanadda kala ah Degmada Jilib, Kuunya-Baraw iyo Deg.Sablaale ey caawa ka dhacday duqeyn culus taaso lala beegsaday Xarumo kooxda Alshabaab u ahaa Keyd ey dhigtaan Hubka iyo Saadka,Xaruntoodii ugu weyneed ee dhinaca Keydka Hubka oo ku tiilay Duleedka degmada Jilib ee G/Jubadda Dhexe ayaa gebi ahaaba noqotay mid basbeeshay, hawlgalkaasi lagu burburiyey Keydka Hubka ee kooxda ALshabaab waxaa isna halkaasi ku geeriyooday Hogaamiye weyn oo kooxda Alshabaab ka tirsanaay tan iyo markii la aasaasay Alshabaab lana yiraahdo BATAAR. Sida la soo sheegay BATAAR ayaa haysan jiray Jabhadda GALGALA ee Puntland, waxaane dhawaan loo dhiibay Guuto Cusub loona qorsheeyey in laga dhiso DG SSCkhatumo,waxa uuna Bataar hadda ku guda jiray sidii uu hub u gaarsiin lahaa SSCkhatumo degaanadeeda si weeraro halkaasi ey uga fuliyaan, Bataar ayaa mar soo noqday Xoghayaha Hogaamiyihii la dilay ee Alshabaab Axmed Godane, waxa uuna kooxda Alshabaab u qaabilsanaa Xiriirka Xuutiyiinta Yaman isagoo degaanadda SSCKhatumo Xeebaheeda ka soo dejiyey Agab ey ka soo qaateen Xuutiyiinta sida Drones-ka ismiidaamiya. Xarumaha kale ee kooxda Alshabaab u yiilay keyda ee iyagana dhulka lala simay ayaa ku kala yiilay deg.Sablaale iyo degaank Kuunya-baraw, xarunta tababarka ee kooxda Alshabaab ey ku sugnaayeen maleeshiyaad gaarayo ilaa 300-dagaalame oo ey ku jiraan Ajaanib Cadaan ah, Madax Afrikaan ah iyo Macaliim ayaa lala beegsaday duqeynta waxaane halkaasi ku dhintay 29-tan Horjooge kuwaaso intooda badan ah Ajaanib. Saraakiisha Alshabaab ee Soomaalida ah ee kooxda laga dilay ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Sheekh Axmed Nuunaw, magaciisa afgarashadana uu yahay(Abu Jacfar), ninkaan ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Maktabka Tababaradda. (2)-Asad Dheereeye, magaciisa afgarashadana uu yahay(Abu Khalifa) ninkaan ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Saadka Xarumaha Tababarada. (3)-Daahir Tawaane,magaciisa afgarashada(Abu Dhaalib), ninkaan ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Amniga guud ee Xarumaha Tabarada kooxda Alshabaab. (4)-Koongo, oo magaciisa afgarashada uu yahay(Abu Khalid),ninkaan ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Makatabka Diiwaangelinta Tababaradda kooxda Alshabaab. Dhinaca kale, waxaa laba lixaadsaday dagaalkii ka socday degaanada u dhexeeyo degmooyinka A/Yabaal oo G/shabeeladda dhexe ah iyo Degmada Moqokori oo G/hiiraan ah, kooxda ayaa cashar eysan ilaabi doonin loogu dhigay degaanadaasi waxaane loo dhacay godadkii ey halkaasi ka qoteen oo loogu tegay Meydad isku xiran si eysan u cararin iyo dhalooyin laga cabay Daroogada Taraamadool. Gudoomiyaha degmada Moqokori Md.Maxamed Mocaw oo u hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in goobaha maanta lagu dagaalamay uu ka mid tahay degaanka Tawakal una dhexeeyo A/yabaal iyo Moqokori, Gudoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in maleeshiyaadka kooxda ey wajahayaan jab is daba jooga maalmahaan.

SIAH-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

NALAGA SOO XIRIIR Ukaaahmed@gmail.com

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA YEESHAY KULANK…

Next
Next

GADIIDLEYDA CABASHO KA AH DALAD AAN SHARCI AHAYN.