GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA YEESHAY KULANK…
(SAWIRKA)-GUDOONKA GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa 15-aad oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 140-xildhibaan. Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Barkacayaasha, waxaana Xildhibaanadda ey qodobada hindise sharciyeedkan su’aalo ka weydiiyeen Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur oo Xildhibaanadda uga jawaabayay su’aalaha ey weydiinayeen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha shacabka inuu Hindise Sharciyeedka kusoo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanadda islamarkaana uu akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagoo gudanaya waajibaadkaooda Dastuuriga ah ee korjoogteynta iyo La-xisaabtanka, waxay kormeer iyo korjoogteyn kusoo sameeyeen Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde, waxaana xubnahan hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geelqaad). Guddiga ayaa kormeerka ka dib kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Nuux Wasiirul-Dawlaha, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda iyo sidoo kale Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde. Ujeeddada kormeerka ayaa ahaa in Guddigu u kuurgalo xaaladda dhabta ah ee xagga Amniga Garoonka, adeegga uu garoonku qabto iyo guud ahaan badqabka diyaaradaha ka hawl gala dalkeenna. Guddiga oo ey weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda iyo Garoonka ayaa sidoo Kale kormeeray qeybaha Duulimaadyada Caalamiga iyo kuwa gudaha ee garoonka oo ey warbixino ka dhageysateen mas’uuliyiinta iyo howlwadeenadda ku shaqada leh. Guddoomiyaha guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geelqaad) ayaa sheegay in ujeedka kormeerkoodu ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabashada ka timaadda garoonka xilliyada roobabka da’aan, waxaana hoosta laga xariiqay muhiimadda ey leedahay in garoonku noqdo mid hawl gala xilli kasta islamarkaana lala xisaabtamo shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI LLC oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
ISHA-SNTV.