IMAARAATKA CARABTA OO QOORTA ISU GELISAY MUCAARADKA DFS,SABABT?

(SAWIRKA)-MUCAARADKA DFS.

(MUQDISHO)-Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ey yeelaneysaa wejiyo cusub maalmaha,asbuucyada iyo bilaha soo socda. Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa xoojineysa dhismaha awooda hakin kara tilaabooyinka Madaxweyne Xasana Sheekh oo aaney la dhacsaneeyn dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta. In kasto Madaxweyne Xasan Sheekh uu sameeyey wax walba uu ku qancin karo dalka yar ee Imaaraatka Carabta hadane taasi ma eysan dhallin in Imaaraatku aamino Madaweyne Xasan Sheekh oo ey culeyska siyaasaasiga ah ka dul qaadaan dalkana ka daayaan faragelinta joogtada ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli qaadan go’aan buuxa oo ah inuu iska difaaco qorshaha lagu dhaafinaayo kursiga taas bedelkeeda waxa uu u dhaw yahay inuu sameeyo tilaabooyin kale oo uu ku qancinaayo dawladda Imaaraatka Carabta oo ey ka mid tahay inuu u tago ama inuu ka fogaado siyaasiyiinta ey neceb yihiin. Dhinaca Madaxweynayaasha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo hogaaminaayo siyaasiyiinta Soomaalida ah ee aadka ugu dhaw dawladda Imaaraatka Carabta ayaa cilaaqaadkoodu xumaa tan iyo markii ey dhammaatay doorashadii Madaxtinimo ee Soomaaliya sannadkii 2022-kii,taaso Siciid Deni aaminsan yahay inuusan Axmed Madoobe u hagar bixin,laakinse dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa bilawday xiriir telefoon oo u dhexeeya labada nin,xoguhu waxa ey sheegayaan in dawladda Imaaraatka Carabta qabatay shaqadaas hadane waxaa loo gudbay wejiga labaad oo ah iney labada nin si toos ah u wada fariistaan,wixii horane si buuxda ey isaga cafiyaan dagaalka MW-Xasan Sheekh-na isku arargti ka noqdaan. Arrinta seddexaad ee labadaan nin la isu raacinaayo ayaa ah in mar kale Siciid Deni loo dhiso doorashada soo aadan ee Soomaaliya,taaso u baahnaan doonto dood iyo ballano intii hore ka xoog badan. Axmed Madoobe iyo Deni labaduba waxa ey heystaan ballan ah iney isugu tagaan Abu Dhabai oo ey halkaas isku arkaan, Sidoo kale,waxaa macquul ah iney Nayroobi isku arkaan. Dhinaca kale,Mucaaradka ka soo jeedo Muqdisho(Sheekh Shariif, CCW iyo Xasan Cali Kheyre) oo iyagana qaarkood dhawaan ey heleen Mashruuc dhaqaale oo MW-Xasan Sheekh ka dhan ahayaa qorsheynaaya iney Muqdisho isugu tagaan dabayaaqada todobaadkan soo socdao. Waxaa la wadaa aragti ah in la dhiso Isbahaysi Mucaarad ah,qorshuhuna wuxuu markii hore ahaa in leys arko sabtiga soo socdo laakinse ilo muhiim ah ayaa u sheegay warbaahunta qaarkeed in dib loo dhigay, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo dartiis kaaso muujiyey waxoogaa cagajiid ah,lama hubo Farmaajo inuu toos u diidan yahay inuu qeyb ka noqdo Isbahaysiga Mucaaradka iyo inuu rabo inuu wax ku goosto. Iyadoo Mucaaradka ey wadaan dhaqdhaqaaqyadaas ayaa dhinaca kale waxaan muuqan shaqo siyaasadeed oo rasmi ah oo u socota MW-Xasan Sheekh Maxamud. Wararka qaarkood ayaa qaba in CCW iyo Sheekh Shariif ey isku diidan yihiin in Farmaajo ka mid noqdo Isbahaysiga Mucaaradka balse Deni iyo Axmed Madoobe yihiin kuwa la aqbali karo iney ka mid noqdaan Mucaaradka DFS, waxaanse weli hubanti loo heyn qaabka ey dawaladda Imaaraatka Carabta wax u wado ee ah yey Madaxweyne u rabtaa, yeyse Reysal Wasaare u rabtaa haddii Sheekh Shariif iyo CCW labaduba ey rabaan iney noqdaan Madaxweyne Deni-ne uu rabo inuu nqodo Madaxweyne,xalku muxuu yahay?

ISHASB-MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO DUQEYN KA GEYSTAY SHABEELADA DHEXE.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA YEESHAY KULANK…