MARAYKANKA OO DUQEYN KA GEYSTAY SHABEELADA DHEXE.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA DANAB.

(MUQDISHO)-DEG DEG: War hada inaga soo gaaray caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in iyagoo kaashnaayo Dawladda Federaalka Soomaaliya inuu Taliska Marykanka ee Afrika (AFRICOM) uu fuliyey duqeymo ka dhan ah kooxda Argagixisada ALshabaab taariikhdu markeey ahayd 17/5/2025-ka. Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 200-kiiloomitir dhanka Waqooyi kaga beegan caasimadda Muqdisho una dhaw degaanka Mabaax ee dhaca duleedka degmada A/yabaa ee G/shabeeladda dhexe. Kooxda ALshabaab waxa ey cadeeyeen rabitaankooda iyo awooda ey leeyihiin iney ku weeraraan ciidamadda Maraykanka. Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Afrika(AFRICOM) oo ey wehliyaan Dawladda Federaalka iyo Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadayaan talaabooyinka hoos loogu dhigaayo awood ALshabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarada halista ku ah Maraykanka, Ciidamadeena iyo muwaadiniinta ku sugan dibadda dalka Maraykanka. Lama sii deyn doono faahfaahin ku saabsan cutubyada iyo hantida si loo xaqiijiyo Amaanka hawlgaladda ka dhanka ah Argagixasadda Caalamiga ah. Ma aha markii ugu horeeyey uu Taliska Africom hawlgal ka fuliyo gudaha daka Soomaaliya, waxayna horay hawlgaladaan Maraykanka ey galaafteen Horjoogayaal Alshabaab ugu caansan sida Axmed Godane iyo Aden Xaashi Ceyraw oo ahaa rag dhibaatooyin fara badan ka geystay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah sida Kenya.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

DADKII FUDUDEEYEY WEERARKII HOTEL-KA DUSITD2 OO LA..

Next
Next

IMAARAATKA CARABTA OO QOORTA ISU GELISAY MUCAARADKA DFS,SABABT?