TOOGASHO XALAY KA DHACDAY TIMES SQUARE NEW YORK.

(SAWIRKA)-TIMES SQUARE NY.

(NEW YORK)-Saddex qof ayaa ku dhaawacantay toogasho xalay ka dhacday fagaaraha Times Square, sida uu sheegay booliiska magaalada New York. Sida laga soo xigtay Waaxda Booliska New York(NYPD), laba dhalinyaro ah iyo nin 65 jir ah ayaa lagu toogtay wadada 44th ee u dhow Avenue Seventh ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay subaxnimadii Sabtida ee wadnaha Manhattan.  Eedeysane 17 jir ah ayaa xabsiga la dhigay, balse waqtigan wax dacwad ah laguma soo oogin, sida ey sheegeen booliiska. 

RASAAS AYAA KA DHACDAY FAGAARAHA TIMES SQUARE INTII UU DAGAALKU SOCDAY, GOOB JOOGAYAAL AYAA SHEEGAY:

Goobjoogayaal ayaa u sheegay CBS News New York in dagaal uu ka dhacay gudaha maqaayadda Raising Cane ee ku taal Times Square ee geesaha 44-aad iyo toddobaad. Waxay dhacday abbaare 1:20 subaxnimo waxayna u muuqdeen iney ku lug lahaayeen koox ilaa 15 dhalinyaro ah oo dhamaantood la bisnaay Jaakadaha koofiga leh, ayay yiraahdeen. Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarada ey saaxiibteed weydiisteen lacag dhan $2, balse ey u sheegtay ineysan haysan wax lacag ah. "Ka dib markii aan sugeynay inaan helno cuntadeena, dhamaantood way carareen, alaabtiina way ka tageen, waxayna la mid yihiin, dagaal," ayuu yiri Agnes Rodriguez. Goob joogayaal ayaa sheegay iney maqleen saddex xabadood ka dib markii uu dagaalku banaanka uu soo gaaray. "Waxaan runtii u maleynay iney been abuur tahay. Waxaan u maleynay iney la mid tahay rashka ama ... rashka. Ma aanan rumaysan," mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa yiri. Askarta ayaa ku sugneed meel u dhow ayaa sidoo kale maqlay rasaasta oo ey jawaab ka bixiyeen. Dabagal gaaban ayaa dhacay waxaana tuhmanaha laga soo qabtay meel u jirta 44-aad iyo Sideedaad. 

2-QOF OO KA MID AHAA DADKII GOOBTA JOOGAY AYAA KU DHAAWACMAY TOOGASHADII KA DHACDAY FAGAARAHA TIMES SQUARE:

Nin 19 jir ah ayaa laga toogtay cagta, haweeney 18 jir ah oo u dhalatay gobolka Maryland ayaa dhaawac ka soo gaaray qoorta iyo nin 65 jir ah oo reer New Jersey ah ayaa laga toogtay lugta, sida ey booliisku sheegeen. Dhammaantood waxa la dhigay cusbitaalka iyagoo xaaladdoodu wanaagsan tahay. Booliska ayaa sheegay in 19-jirka uu ahaa bartilmaameedka ninka hubeysan, balse labada kale ee la dilay ey ahaayeen dad aan waxba galabsan oo goobta joogay. Baarayaasha ayaa sheegay in toogashada ey timid ka dib markii tuhmanaha uu muran dhex maray wiilka dhalinyarada ah ee ka weyn, waxaana goobta laga soo qaatay qori. Booliska ayaa sheegay in ilaa hadda eysan cadeyn in tuhmanaha iyo dhibanayaasha ey is garanayeen ka hor inta aan la toogan. Times Square waa mid ka mid ah aagagga hubka ka caagan ee New York, oo la sameeyay 2022 iyadoo la raacayo  sharciga xoogan gobolka kaasoo ka mamnuucaya hubka meelaha  loogu yeero Xasaasiga ah.

ISHA-CBS NEWS. .

Previous
Previous

JARMALKA OO LAGA TARXIILAY 6-KUN QOFOOD INTI U DHEXEYSAY JANAAYO ILAA MAARSO-2025-KA.

Next
Next

MOOSHIN MA MEEL MARI KARAA MADAXWEYNAHA OO AAN WAX KA OGAYN?