MOOSHIN MA MEEL MARI KARAA MADAXWEYNAHA OO AAN WAX KA OGAYN?

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-XAMSE.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo iney soo baxayaan warar is khilaafsan oo sheegaayo in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey wadaan abaabul Mooshin ka dhan ah Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre marka uu furmo kalfadhiga Golaha Shacabka. Sida la sheegay Mooshinka ayaa waxaa diyaarinaayo Xildhibaano ku kala sugan Muqdisho iyo Nayroobi Kenya,inta badan Xildhibaanada hor boodaayo Mooshinkaan suuqa soo galay ayaa ah kuwa ka soo kala jeedo Dawlad Goboleedyadda Puntland iyo Jubaland kuwaaso gacan saar la leh Deni iyo Axmed Madoobe oo ey isku kacsan yihiin DFS. Tusaale ahaan Xildhibaan C/ladhiif Sanyare,waxaa laga soo doortaa Puntland,waxa uuna isu rabay inuu noqdo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada,balse booskaas ayaa waxaa la siiyey Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo isna laga soo doorta isla Puntland,marna ma dhicin inuu Guuleysto Mooshin ka dhan ah Reysal Wasaaraha XFS isagoo eysan gadaal ka riixeyn Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mida hadda taagane waxa ey u eg tahay iney noqon doonto mid ku soo dhammaata sidii kuwii hore la isugu day oo kale waa haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan ogolaan. Sababaha keena Mooshin guuleysta ayaa ah Khilaaf soo kala dhexgala Madaxweynaha iyo Reysal Wasaarihiisa kaasne hadda ma uu muuqdo,waane tan keeni karta in Mooshinka socdaa uu noqdo mid Dhicisooba inta uusan gaarin Gudoonka Golaha Shacabka ee BJFS.

HALKAN KA AKHRISO SOOYAALKA KHILAAFKA EE MADAWEYNAHA IYO REYSAL WASAARAHA.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/SOMALIA.

Previous
Previous

TOOGASHO XALAY KA DHACDAY TIMES SQUARE NEW YORK.

Next
Next

(KENYA):SHAQAALIHI DIYARADII BURBURTAY OO LA AQOONSADAY.