TOOGASHO CARUUR KU DHIMATAY OO KA DHACADAY MINNEAPOLIS.

(SAWIRKA)-GOOBTA EY TOOGASHADA KA DHACDAY.

(MINNEAPOLIS)-Labo caruur ah ayaa ku dhimatay 17-qof oo kalane waa ey ku dhaawacmeen toogasho wadareed ka dhacday Kaniisada iyo Iskuulka Annunciation ee magaalada Minneapolis subaxnimadii hore ee Arbacada maanta ah. Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara ayaa sheegay subaxnimadii Arbacada goor dambe in toogashadu ey dhacday xilli subaxnimo ah oo lagu xusayay toddobaadka ugu horeeya ee dugsiga oo ey cibaadaysanayeen caruur iyo dad waa-weyn. O'Hara ayaa sheegay in qofka toogashada geystay uu u muuqday mid samaynaya inta badan ama dhammaan toogashada bannaanka ee daaqadaha. Waxa uu haystay laba qori iyo bastoolad, booliiskuna waxay sheegeen inuu adeegsaday saddexdaba, isaga oo riday "daraasiin" rasaas ah. Labo caruur ah oo da’doodu kala tahay 8 iyo 10 jir, ayaa lagu dilay xilli ey ku fadhiyeen kursiga dheer ee Kaniisadda.17-ka dhaawaca ah, 14 ka mid ah waa caruur. Saraakiisha ayaa sheegay in caruur badan ey ku sugan yihiin xaalad halis ah ugu yaraanna qaarkood ey qalliin ka socdeen HCMC. Afhayeen u hadlay Children's Minnesota ayaa sheegay abaaro 10:30 subaxnimo in lix caruur ah la dhigay "cisbitaalka si loo daryeelo." Taliyaha Booliska Minneapolis O'Hara ayaa sheegay in nin hubeysan, oo ahaa nin da'da 20-aad, la rumeysan yahay inuu fuliyey toogashada isagiina uu isdilay. Ma uusan lahayn wax dambi ah oo la og yahay, O'Hara ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray in booliisku ey baarayeen baabuur ey rumeysan yihiin Boolisku in tuhmanuhu uu isticmaalay. Dugsiga Katooliga ee Annunciation wuxuu ku yaalaa Galbeedka 54th Street, oo bari ka xigta Lyndale Avenue. Booliisku waxay sheegeen inuu jirto aag dib u midoobid waalidiinta iyo caruurta bad qabta oo ku yaal Dugsiga Annunciation ee 525 W. 54th St. Booliska Minneapolis ayaa hore u sheegay digniinta ka dib 10:00 subaxnimo "Ma jirto wax khatar ah oo ku wajahan bulshada waqtigan. Qofka toogashada geystay waa la hayaa, dadweynaha waxaa lagula talinayaa iney ka fogaadaan aagga si ey u oggolaadaan shaqaalaha deg degga ah iney caawiyaan dhibbanayaasha." Gaadiidka deg dega ah ee caafimaadka iyo booliiska ayaa taagan dariiqa 54th Street ee Minneapolis iyadoo gurmadayaasha deg dega ah ey imaanayaan goobta toogashada ee Dugsiga Katooliga iyo Kaniisada Annunciation Arbacada, Aug. 27, 2025. Waalidiinta ayaa la arkayay iyaga oo caruurtooda ka fogaynaya dugsiga Kaniisadda abbaare 10kii subaxnimo Gurmadayaasha ayaa sidoo kale keenay qaar ka mid ah dhaawacyada HCMC ee ku yaala bartamaha magaalada Minneapolis. Wariye ayaa maqlay qof dumar ah oo si waali ah u waydiisanaysa Ku Xigeenada Shariifka in laga caawiyo sidii Gabadheeda isbitaalka loogu heli lahaa. "Ha dhihin tani waxay ku saabsan tahay fikradaha iyo ducooyinka hadda, caruurtani dhab ahaantii way tukanayeen. Waxay ahayd todobaadkii ugu horeeyay ee dugsiga," Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay intii lagu guda jiray shir jaraa'id 11 subaxnimo. "Waa iney awoodaan iney si nabad ah ku aadaan Iskuul ama Kaniisad iyaga oo aan ka baqin ama khatar gelin rabshado waalidkoodna waa iney helaan hubanti la mid ah," ayuu yiri Frey. Mid ka mid ah dadka deriska la ah Iskuulka wax ka dheceen ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa iney maqleen rasaas saacadu markeey ahayd 8:30- subaxnimo ka dibna ey maqleen gawaari ku soo qulqulaya goobta wax yar ka dib.

HOGAAMIYEYAASHA AYAA KA FALCELIYEY TOOGASHADA:

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa soo dhigay baraha bulshada wax yar ka dib sagaalkii subaxnimo in "lagu wargeliyay toogashadii ka dhacday Iskuulka Annunciation Catholic School, wuxuuna sii wadi doonaa inuu bixiyo wixii ku soo kordha wararkayaga dambe. FBI ayaa sidoo kale ku sugan goobta. Madaxweyne Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri "Aqalka cad wuxuu sii wadi doonaa la socodka xaaladdan xun. Fadlan igu soo biir inaan u duceeyo qof kasta oo ku lug leh." Tina Smith oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa bayaan ey soo saartay ku tiri, "Tani waa riyooyinka naxdinta leh ee ugu xun oo ey male-awaalayaan waalidiintii caruurtooda u soo kaxeeyey toddobaadkii ugu horeeyay oo ey dugsiga ku noqdeen. Ergadii Minneapolis ee Aqalka Wakiilada ee Minnesota ayaa soo saaray bayaankan soo socda “Ma aqbali karno adduunyo ey dadku wajahayaan handadaad hub,rabshadaha qoryaha marka ey wataan nolol maalmeedkooda. "Hadda, waxaan waqti kula qaadan doonaa halkaan dhibanayaasha murugeysan eyna ku dhacday masiibadan, si aan ula murugoono oo aan u bogsano. Kama nabsan karno falalkan rabshadaha micnaha la'aanta ah ee noqday heerkayaga."

XIGASHO-NPR.

Previous
Previous

DANJIRE DEDEFO OO MEEL UGA DHACAY CIIDANKA MASAR,SABAB?

Next
Next

DALKA KENYA OO XAL U RAADINAAYO KHILAAFKA DFS IYO JUBALAND,SABABTA?