DANJIRE DEDEFO OO MEEL UGA DHACAY CIIDANKA MASAR,SABAB?

(SAWIRKA)-SAFIIRKA ITOOBIYA EE SOMALIA.

(MUQDISHO)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in eysan jirin wax cabsi ah oo ey ka qabto in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya si ey uga qeyb qaataan Howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika(AUSSOM). “Annagu ma nihin kuwa cabsi qaba ama dareemaya khatar, waana awoodnaa inaan is difaacno,” ayuu yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Suleyman Dedefo, oo wareysi siiyay Universal Somali TV. Safiirku wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya uusan wax faa’iido ah u yeelan doonin xaaladda amni ee Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ey xaq u leedahay iney dal kasta oo ey saaxiib la tahay ciidamadoodu yimaadaan Soomaaliya. Wuxuuna sheegay Itoobiya in eysan wax diidmo ka qabin arrintaas. “Waxaan ognahay in Masar eysan wax taageero ah ka geysan doonin xasilinta caqabadaha amni ee Soomaaliya. Suudaan waa dal daris la ah Masar, haddane kama eysan helin wax kaalmo ah. Libiya sidoo kale waa dal Masar la daris ah, iyaduna kama eysan helin caawimaad. Ciidanka Masar ma laha taariikh muuqata oo nabad-ilaalin caalami ah,” ayuu raaciyay. Suleyman Dedefo ayaa intaas ku daray in waxa laga filan karo joogitaanka ciidamada Masar ey noqon karto iney loolan Siyaasadeed iyo mid Istiraatiiji ah la galaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Hadalka Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan Dowladda Masar ey Soomaaliya u soo dirayso cutubyo ka mid ah ciidamadeeda si ey qeyb uga noqdaan howlgalka AUSSOM. Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyaha Webiga Niil. Itoobiya ayaa biyo xireen weyn ka dhisatay dalkeeda, iyadoo Dowladda Masar ey kasoo horjeeddo qorshahaan, una aragto mid khatar ku ah biyaha Webiga Niil ee dalkeeda. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Suleymaan Dedefo ayaa ah mid aad u taageersan Go’itaanka Soomaaliland,waxa uuna bartiisa X soo dhigi jiray qoraalo uu ku taageeraayo gooni isu taaga Soomaliland,hadane lagama yaabo inuu wanaajiyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya waayo ma aha nin u diyaarsan inuu wax ka qabto qadiyaha ey isku hayaan Soomaaliya iyo Itoobiya ee waqtigaan la joogo.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO SUUDAAN OO KA WADA HADLAY ARRIMAHA AMNIGA.

Next
Next

TOOGASHO CARUUR KU DHIMATAY OO KA DHACADAY MINNEAPOLIS.