SOOMAALIYA IYO SUUDAAN OO KA WADA HADLAY ARRIMAHA AMNIGA.
(SAWIRKA)-KULANKA MADAXTOOYADA.
(VILLA SOMALIA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta oo Arbaca ah Xarunta Madaxtooyada Qaranka uu ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan, G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho ku yimid magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. G/Sare.Mufaddal ayaa Maxaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud soo gaarsiiyey dhambaal uu ka siday Guddoomiyaha Golaha kumeel gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax AL-Burhan, kaasoo ku saabsanaa dib u xaqiijinta sida ey dawladda Sudan uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad. Dhinaca kale,war ey heshay Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA ayaa xaqiijiyey inuu galabta Muqdisho uu soo gaaray Wasiirul Dawlaha Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Axmed Bin Cali AL-Saayig,masuulkaan ayaa la rumeysan yahay inuu u socdo arrimo dhaqaale sameyn ah iyo xog wareysi la xiriira halka arrimaha Soomaaliya iyo Soomaliland ey kala marayaan, booqashad Wasiirka Imaaraatka ayaa ku beegmeysa xilli uu maanta booqday Madaxtooyadda Soomaaliya Taliyaha Sirdoonka Suudaan Gen.Axmed Ibrahim Mufadal, lama oga sababta labadaan masuul ey hal mar isugu yimaadeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo la og yahay xurgufta ka dhexeeyso labadaan dal heerka ey gaarsisan tahay.
ISHA-