MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI IMAARAATI AH.

(SAWIRA)-SOOMAALIYA IYI IMAARAATKA CARABTA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Arbaca ah uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhbuudh bin Nahyan AL-Nahyaan. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal(Soomaaliya iyo Imaaraatka),iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu guda jiray waxa uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamud soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Md.Sheekh Maxamed bin Zayed AL-Nahyan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaaga ey shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne dalka Isutaga Imaaraatka carabta Md.Maxamed bin Zayed AL-Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay iney sii xoojiso iskaashiga ey la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo Amniga, Dimuqraadiyeynta iyo Horumarka dalka. Dalka Isutga Imaaraatka Carabta ayaa ah dal aan ka shaqeyn danaha dalal badan oo Carab ah oo ey heysato dhibaato Amni darro iyo mid dhaqaale,dalalka Suudaan, SoomaaLiya,Liibiya iyo Yemen waa dalalka uu Amnigoodu ka hagaagi la’ayahay faragelinta Dawladda Imaaraatka Carabta waayo waxa ey wakiil ka tahay dalal aan hadda muuqan balse dano gaar ah ka leh afartaas dal ee aan soo sheegnay. Tusaale ahaan dalka Imaaraatka Carabta waxa uu xoogjiyaa dadaal badane geliyaa sidii loo aqoonsan lahaa Gooni isutaaga Soomaaliland oo qeyb ka ah dhuka Soomaaliyeed, waxa kaloo uu Imaaraatku gacan ku leeyahay Qaska Siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ey ka wadaan Madaxweyneyaasha Dawlad Goboleedyadda Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe).

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

RW-XAMSE CABDI BARRE OO KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYEY…

Next
Next

SOOMAALIYA IYO SUUDAAN OO KA WADA HADLAY ARRIMAHA AMNIGA.