RW-XAMSE CABDI BARRE OO KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYEY…

(SAWIRKA)-RW-XAMSE.

(YINCHUAN)-Wararka laga helaayo magaalada Yinchuan ee dalka Shiinaha ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,uu khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, Reyasal Wasaare Xamse ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira. Raysal Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ey qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga. “Soomaaliya waxay rabtaa iney noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ey goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda." Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamsa. Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay Ganacsiga labada dal. Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ey Soomaaliya tahay dalkii ugu horeeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

ISRA’IIL OO WEERAR QORSHEYSAN KU DISHAY HOGAAMIYE XUUTI AH.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI IMAARAATI AH.