DALKA KENYA OO XAL U RAADINAAYO KHILAAFKA DFS IYO JUBALAND,SABABTA?

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO AXMED MADOOBE.

(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in Dowladda Kenya ey ku howlan tahay dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland xilli xiisadda iyo khilaaf siyaasadeed ee ka dhex taagan uu marayo meel adag. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Kenya oo ey saamayn ku yeesheen xiisadaha ka taagan gobolka Gedo ey waddo qorshe keeni kara kulan fool-ka-fool ah oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.  Dhexdhexaadintan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu wajahayo khilaaf ka taagan wax ka beddelka lagu sameeyay qodobo ka mid ah Dastuurka iyo habka Doorashada. Khubarada la socda arrimaha Soomaaliya ayaa ka digaya iney tallaabooyinkan wiiqi karaan xasilloonida nidaamka Federaalka. Warar soo baxay toddobaadkan ayaa sheegay in labada hoggaamiye ey dhawaan ku wada hadleen taleefan, balse Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in wararkaas ay yihiin “been abuur.” Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Kenya ey  doonayso dhexdhexaadinta, hase yeeshee weli eysan ka helin aqbalaad labada dhinac Villa Soomaaliya. Waxay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya iney faafinayso warar marin habaabin ah oo lagu jahwareeriyo shacabka. Iyadoo doorashooyinka dalka uga harsan yihiin wax ka yar laba sano, falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya in heshiis iyo is-afgarad dhex mara Dowladda Federaalka iyo Jubbaland uu muhiim u yahay xaqiijinta hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo. Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ah laba dal oo saameyn xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan marka ey taagan tahay arrinta Dawlad Goboleedka Jubaland,waayo waa halka maamul ee xuduud dhinaca badda iyo beriga ah la leh labadaas dal eyna saameyneyso dhibaatada ka dhacdo Jubaland. In Kenya hadda raadiso xal waxaa soo dedejisay arrinta Axmed Madoobe ee ah inuu qaadan karo go’aan ah inuu isaga dhex baxo kooxda ALshabaab iyo ciidamadda Kenya ee ku sugan goobaha muhimka ah ee Jubaland sida Garoonka Diyaaradaha Kismaayo,halkaasne la isku fara saaro ka dib marka DFS ey dhisto dawlad Goboleed ey iyada aqoonsan tahay xaruntiisuna tahay Garbahaareey.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

TOOGASHO CARUUR KU DHIMATAY OO KA DHACADAY MINNEAPOLIS.

Next
Next

SOOMAALIYA OO MARAYKANKA KAGA QEYBGASHAY SHIR CAALAMI AH.