SOOMAALIYA OO MARAYKANKA KAGA QEYBGASHAY SHIR CAALAMI AH.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA EE JOOGA HOUSTON.

(HOUSTON/TEXAS)-Wararka laga helaayo magaaladda Houston ee Gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Daahir Xasan Carab, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire, ayaa magaalada Houston ee gobolka Texas kaga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee caalamiga ah ee arrimaha dhulka iyo tamarta (IMAGE). Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Eng. Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, Madaxa Hay’adda Shidaalka Soomaaliyeed (SPA), iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed. Wafdiga Soomaaliya ayaa wadahadalo la yeeshay hogaamiyayaasha Warshadaha Saliida iyo Gaaska ee Mareykanka “Amniga Tamarta, fursadaha maalgashiga, iyo maareynta kheyraadka waara.”, sida lagu sheegay warbixin kooban. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ey soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda caasimada ah ee Washington, wada-hadallada ayaa lagu muujiyay sidii labada dal ey u xoojin lahaayeen iskaashiga dhanka tamarta iyadoo la horumarinayo ka faa’iidaysiga kheyraadka oo ammaan ah oo hufan. Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay waday dadaallo horumarsan oo lagu horumarinayo kheyraadka kaarboonka laga dhaliyo, waxaana ka mid ah heshiis iskaashi oo ey la gashay Turkiga oo ku saabsan Sahaminta Shidaalka iyo Gaaska Badda, iyadoo la filayo in dhowaan la bilaabo wax soo saarka. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in iskaashiga caalamiga ah uu gacan ka geysan doono furitaanka tamarta dalka, soo jiidashada maalgashiga, iyo abuurista fursado dhaqaale ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

ISHA-MUSTAQBAL MEDIA.

Previous
Previous

DALKA KENYA OO XAL U RAADINAAYO KHILAAFKA DFS IYO JUBALAND,SABABTA?

Next
Next

MUCAARADKA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA OO KULMAYA MAANTA.