MUCAARADKA SOOMAALIYA IYO BEESHA CAALAMKA OO KULMAYA MAANTA.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA.

(MUQDISHO)-Xubnihii mucaaradka ahaa ee dhawaan isaga baxay Golaha Samatabixinta oo kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Maxamed Mursal C/raxman, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Geele Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in kulan la yeeshaan wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa filayo inuu noqon doona mid si dhow loogu eegayo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda. Wakiillada Beesha Caalamka iyo dalalka deriska ah ayaan weli si cad u muujin mowqifkooda ku aaddan heshiiskan cusub, waxaana la saadaalinayaa in kulanka maanta uu go’aamin doono heerka taageero iyo kalsooni ee caalamku siinayo geeddi-socodkan. Kulankan ayaa imaanaya saacado ka dib markii shalay ey Xubnahaan ey gaareen heshiis siyaasadeed oo rasmi ah oo ey la galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, heshiiskaas oo dib loogu noqonayo hannaankii hore ee doorashooyinka Teendhada lagu maamuli jiray. Heshiiskan ayaa siyaasadda dalka ee Xiligaan ku soo kordhiyey wajigii ugu cuslaa, iyadoo ey jiraan siyaasiyiin weli ku haray Madasha Mucaaradka oo si cad uga soo horjeeda qodobadii lagu heshiiyey. Arrintan ayaa kusii sii xoogeysatay kala aragti duwanaanta mucaaradka dhexdiisa, xilli Dowladda Federaalkuna ku tilmaantay tallaabadan mid ka tarjumaysa midnimo iyo wada shaqeyn siyaasadeed oo gudaha ah. Xubnaha mucaaradka ee heshiiska qaatay ayaa ku adkaystay in tallaabadan ey muujinayso rabitaankooda ku aaddan in dalka lagu hoggaamiyo nidaam furan oo siyaasadeed, halka mucaaradka kale ee weli diidan ey ku doodayaan in heshiisku yahay marin habaabin dib loogu celinayo habkii la isku hayey ee doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaan ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama uu dib u furay dooddii ku saabsan habka doorashooyinka iyo doorka mucaaradka oo weli Dowladda Federaalka dhaliil adag u jeedinaya.

ISHA-RISAALA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO MARAYKANKA KAGA QEYBGASHAY SHIR CAALAMI AH.

Next
Next

RW-XAMSE OO LA KULMAY MAAMULKA GOBOLKA YINCHIUAN.