RW-XAMSE OO LA KULMAY MAAMULKA GOBOLKA YINCHIUAN.
(SAWIRKA)-RW-XAMSE.
(YINCHUAN)-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey martigelinta iyo soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ey leedahay fursado badan oo maalgashi, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha. Isagoo tilmaamay in fursadahan ey u furan yihiin shirkadaha iyo maalqabeennada Shiinaha si ey u maalgashadaan. Dhankiisa, Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei, ayaa Soomaaliya ku sifeeyay dal hodan ah oo leh fursado badan oo aan weli si buuxda loo maalgashan. Waxaa uu caddeeyay in Ningxia ey diyaar u tahay iney dhiirrigeliso shirkadaha iyo maalqabeennada deegaanka si ey u booqdaan Soomaaliya, una sahamiyaan fursadaha jira, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
ISHA-SNTV.