GUDOOMIYAHA SODMA OO GAARAY DEGMADA BALCAD.
(SAWIRKA)-XARUNTA DEG.BALCAD.
(BALCAD)-Wararka laga helaayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeeladda dhexe ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaayo in Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, uu maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Balcad, halkaasoo uu ka daah furay Mashruuc Cunto qeybin ah oo socon doonta muddo saddex bilood ah, taasoo ey ka faa’iideysan doonaan 5,705 qoys (una dhiganta 34,230 ruux) oo ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad-Goboleedka Hirshabelle. Socdaalka Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle ahna Ku-simaha Wasiirka, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale oo heer Goboleed ah. Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay iney si hufan uga faa’iideystaan mashaariicda lagu taageerayo bulshada, si loo yareeyo saamaynta xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaadda. Ugaas Maxamed Wali Xuseen Salaad Islow, Ugaaska Guud ee degmada Balcad, oo halkaasi hadal ka jeediyay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka Guddoomiyaha SoDMA ee magaalada Balcad, isagoo xusay in guddoomiyuhu mar walba ka shaqeeyo caawinta iyo samatabixinta bulshada ey saameeyeen duruufaha adag oo ey sababaan abaaraha iyo fatahaadaha. Dhankiisa, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle, ayaa ku amaanay dadaalka SoDMA ee ka hortagga baahiyaha bani’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, isagoo soo dhoweeyay mashruuca cunto qeybin ee laga fulinayo labada degmo. Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo furitaanka mashaariic taageero ah oo loogu talagalay bulshada danyarta ah ee ku nool Balcad, isla markaana ku dhiirrigeliyay dadka deegaanka iney ka faa’iideystaan fursadahaas muhiimka ah oo wax weyn ka tari doona baahiyaha bulshada. Ugu dambeyn, dadaalka SoDMA iyo bahwadaagta kale ee samafalka ayaa astaan u ah sida ey muhiim u tahay in bulshada Soomaaliyeed loo abuuro fursado nololeed oo waara iyo taageero degdeg ah xilliyada adag.
ISHA-SNTV.