SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA URURKA ISLAAMKA EE JIDDAH.

(SAWIRKA)-WASIIR DHAAY.

(JEDDAH/KSA)-Wararka laha helaayo magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Cabdisalaan Cabdi Cali, uu khudbad ka jeediyay Shirka Deg degga ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka dhacay magaaladda Jeddah, isagoo si adag u cambaareeyay Xasuuqa iyo go’doominta ey Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, gaar ahaan Gaza. Wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xabbada, la ilaaliyo dadka rayidka ah, gargaar bini’aadannimo loo gaarsiiyo Gaza, iyo in la taageero xalka laba dowladood oo saldhig u ah dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, caasimadduna tahay Bariga Qudus. Sidoo kale, Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada caalamiga ah ee nabadda, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah OIC, oo ey Soomaaliya ku jirto. Wasiir Cabdisalaan ayaa sheegay in Soomaaliya si buuxda uga go’an tahay difaaca xuquuqda shacabka Falastiin, ilaalinta sharciga caalamiga ah, iyo garab istaagga dadaallada lagu doonayo xal nabadeed oo waara. Shirkaan oo ey soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah wadamadda xubnaha ka ah Ururka oo ey ugu horeeyaan Boqortooyadda Sacuudiga, Turkiga iyo Iraan,iyadoo la eegaayo xaaladda bini’aadanimo ee sii xumaaneyso iyo tirada sii kordheyso ee waxyeeladda dadka rayidka ah soo gaartay,iyadoo baaq caalami ah lagu dalbanaayo xabad joojin aan shuruud lahayn iyo in la furo wadooyinka gargaarku ka soo gelaayo Marinka Gaza.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GUDOOMIYAHA SODMA OO GAARAY DEGMADA BALCAD.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 7-AAD EE SHIINAHA IYO CARABTA.