SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 7-AAD EE SHIINAHA IYO CARABTA.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE.

(YINCHUAN)-Bandhiga 7-aad ee Shiinaha iyo Carabta ee sannadka 2025-ka ayaa lagu qaban doonaa magaaladda Yichuan,Ningxia ee dalka Shiinaha inta u dhexeyso 28-ka Agoosto ilaa 31-ka Agoosto ee sannadkan 2025-ka,iyadoo halku dhegiisu yahay “HAL ABUURNIMO CAGAARAN IYO BARWAAQO”. Bandhigaan wuxuu u adeegaa sidii madal caalami ah oo weyn oo loogu talagalay Horumarinta Ganacsiga,Maalgashiga iyo Iskaashiga dhaqaalaha ee u dhexeeyo Dawladda Shiinaha iyo Dawladaha Carabta,iyadoo diiradda la saaraayo qeybaha muhiimka ah sida Tamarta nadiifka ah,dhaqaalaha digitaalka ah,iyo Ganacsiga Elektarooniga ah ee ka gudba Xuduudaha. Shirkaan waxaa si wadajir ah u martigelinaayo Wasaaradda Ganacsiga,Golaha Shiinaha ee Horumarinya Ganacsiga Caalamiga ah iyo Ismaamulka Gobolka Ningxia Hui. Dhinaca kale, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta Iskaashiga Ganacsiga, Maalgashiga, Tiknoolojiyadda iyo Tamarta. Raysal Wasaare Xamsa, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta, gaar ahaan dalkeenna oo ey ka jiraan fursado kala duwan oo u baahan in la maalgashado, si ey uga faa’iidaan bulshada Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA URURKA ISLAAMKA EE JIDDAH.

Next
Next

MUCAARADKA OO KALA JABAY IYO DFS OO KA FAA’IIDEYSATAY.