MUCAARADKA OO KALA JABAY IYO DFS OO KA FAA’IIDEYSATAY.

(SAWIRKA)-MUCAARDKA IYO DFS.

(MUQDISHO)-Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda Midnimada Qaran, Xasilloonida Siyaasadeed, iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliyeed, ayaa Dowladda Federaalka iyo Xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed sida-(Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ahna xubin ka mid ah Golaha Shacabka, haddana ah Guddoomiye Ku Xigeenka Madasha Samatabixinta, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke, Wasiir hore Daahir Maxamuud Geele, ahna Afhayeenka (Madasha Samatabixinta) waxay si wadajir ah u soo saareen Qodobadan soo socda:

1. Waxaa la isla gartay adkeynta Madax-bannaanida iyo Midnimada JFS.

2. Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ey wali ku sugan yihiin khawaarijta.

3. Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada ayaa dooranaya Hogaamiyaasha iyo Hogaamiye Ku Xigeenada Dowlad-Doboleedyada.

4. Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Raysal Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.

5. Waxaa la isla gartay in Ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee Xubnaha Baarlamaanka Fedaraalka noqonayo Xisbi Qaran.

6. Hannaanka Doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka Doorashooyinka 2024 iyadoo la tixgalinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.

7. Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo gudagalo qabashada Doorashooyinka Golayaasha deegaanka, Dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.

8. Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu deg dega badan loo dhameystiro Cutubyada wali harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo Sharciyadda iyo Geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

9. Waxaa la isku raacay in si wada-jir ah (muxaafad iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geedi-socodka doorashada tooska ah (Qof iyo Cod), oo lagu soo dooranayo Golayaasha deegaanka, Golayaasha Wakiilada ee Dowlad-Goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaan Federaalka JFS.

BAAQ:

10. Iyadoo laga ambaqaadayo, isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneyayaasha Siyaasadda in loo midoobo lagana wada qeybqaato dhameystirka Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta dalka. Waxaa xusid mudan in Mucaaradka DFS ka soo horjeeday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay uu aad isug khilaafsanaay arrimaha ey wado DFS ee ah Dooraasho Qof iyo Cod ah,balse hadda waxaa muuqata in Mucaaradkii uu u kala jabay laba garab oo kala aragti duwan kuwaaso koox iyaga ka mid ah ey taageertay qaabk ey DFS wax u wado ee ah Doorasho Qof iyo Cod ah,halka garabka kale ey ku jiraan Sheekh Shariif, C/raxman C/shakuur, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi Faarax Shirdoon.

ISHA-SNYV.


Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA 7-AAD EE SHIINAHA IYO CARABTA.

Next
Next

KOR U KAC KU YIMID TIRADA TAHRIIBAYAASHA KA YIMID W/AFRIKA.