TALIYE SHUB OO LA GELIYEY XABSI GURI WELINA KU JIRA,SABABTA?

(SAWIRKA)-TALIYE SHUB.

(MUQDISHO)-Wararka naga soo gaaraya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan laamaha amniga ayaa xaqiijinaya in Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, uu ku jiro xabbis guri oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta ayaa u xaqiijiyey Goobjoog in Janaraalka lagu hayo hoygiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, tan iyo shalay galab. Xaaladdan ayaa bilaabatay waxyar ka dib markii ay soo baxday xil ka qaadistiisa, waxaana la xaqiijiyey in in ka badan 14 saacadood ay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed ku hareeraysan yihiin guriga Janaraalka. Askarta dowladda ayaa la wareegay ilaalinta albaabbada iyo agagaarka dhismaha, iyadoo aan ilaa hadda la sheegin sabab rasmi ah oo ka dambaysa xayiraaddan adag ee la saaray sarkaalkan sare. Tallaabadan ayaa timid maalin ka dib markii Golaha Wasiirrada ay ansixiyeen Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta. In kasta oo isbeddelkaas uu dhacay, haddana Janaraal Mahad weli ma uusan wareejin xilkii uu hayey, waxaana muuqata in xayiraadda gurigiisa lagu soo rogay ay qayb ka tahay cadaadis xagga amniga ah oo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed. Xubno ka mid ah qoyska Janaraal Mahad iyo saaxiibbadiisa dhow ayaa muujiyey walaac aad u weyn oo ay ka qabaan xaaladda ammaan iyo tan caafimaad ee Janaraalka, iyadoo aan loo oggolayn dhaqdhaqaaq xor ah. Janaraal Mahad, oo ah sodogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa xil ka qaadistiisa iyo xabbiskan guriga ahba loo arkaa inay salka ku hayaan loolanka siyaasadeed ee ka dhex aloosan labada heer ee dowladda. ​Ilaa iyo hadda, madaxda sare ee dowladda federaalka iyo taliska booliska midna kama uusan hadlin sababta ciidamada loogu hareereeyey hoyga taliyihii hore, taas oo sii kordhisay hadal-haynta iyo walwalka laga qabo jawiga amniga ee caasimadda Muqdisho.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

GUDIGA DOORASHADA KGS OO SOO SAARAY JADWAL DOORASHO OO SEDDEX MAALIN AH.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO ISBEYN OO KALA SAXIIXDAY HESIIS IS AFGARAD.