GUDIGA DOORASHADA KGS OO SOO SAARAY JADWAL DOORASHO OO SEDDEX MAALIN AH.

(SAWIRKA)JADWALKA KGS.

(BAYDHABO/KGS)-DEG DEG: Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee maamulkaasi kaaso uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamulkaas Md.Laftagareen ayaa maanta oo Khamiis waxa uu soo saaray Jadwal shaqo kuna saabsan Qaabka ey u dheceyso Doorashada Hogaanka Dawlad Goboleedka KGS. Gudiga ayaa sheegaay in hawshiisa la xiriirta soo xulista Golaha Wakiiladda DG KGS, Diiwaangelinta Golaha Wakiiladda KGS, Shaacinta iyo Dhaarinta Golaha Wakiiladda KGS, Doorashada Gudoonka Golaha Wakiiladda, qabashada Araajidda Musharixiinta Gudoonka Golaha wakiiladda iyo hadal jeedinta Musharaxiinta Gudoonka ey wada dhici doonaan inta u dhexeyso 26-ka bishaan Maaro/2026-ka ilaa 29-ka bishaan Maarso/2026-ka. Gudiga ayaa sheegay inuu kulamo kala duwan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada KGS iyo odayaasha dhaqanka ee degaanadda KGS,balse gudigu ma uusan sheegin magacyadda Musharixiinta u taagan xilalka kala duwan ee DG KGS, waxa uuna ilaa hadda soo saaray ladwal hawleedkiisa seddexda maalmood ah.

ISHA-SB-MEDIA/BAYDHABO.

Next
Next

TALIYE SHUB OO LA GELIYEY XABSI GURI WELINA KU JIRA,SABABTA?