LAFTAGAREEN OO LAGU TILMAAMAY GEED BAAS TAHAYNE IN LA SIIBO.
(SAWIRKA)-MUDAAHARADYADII BAYDHABO KA DHACAY 2018-KII.
(MUQDISHO)-La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinaca dhaqaalaha Md.Xasan Hoosaw ayaa qoraal dheer waxa uu qoray arrimaha ka taagan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. La taliyaha ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadlay arrimaha siyaasadda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sida uu kursiga ku yimid Madaxweyne C/casiis Laftgareen todobo sano ka hor kuna beegan sannadkii 2018-kii, waqtigaas waxaa dalka Madxweyne ka ahaa Md.Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaane Reysal Wasaare ka ahaa Md.Xasan Cali Khayre. Waxyaabaha uu xusay la taliye Hoosaw ayaa ah waxyaaba ka dhacay degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Doorashadii ka dhacday Baydhabo taaso lagu doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen. Hadaba Qoraalka La taliye Hoosaw ayaa u qornaay Sidan: Madaxweyne "Tallaal Baas" Waa Siibis!
Sawiradani waa taariikh, in kastoo aan caawa ku dib uga raadiyay keydkayga, haddana weli xusuustayda kama tirmin.
Meydka wuxuu daadsanaa dhulka, magaalada way holcaysay, Xil Cabdishakuur Buulle, guddoomiyihii Guddiga Amniga oo dhexdhexaadin waday ayaa si kas ah loo dilay, madaxweyne Shariif Xasan ayaa lagu maquuniyay is casilaad, musharixiintii oo dhan ayaa hanjabaad tartanka looga saaray, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa la soo af duubtay, shacabkii mudaaharaadayayna waa la laayay. Xitaa ergaygii caddaanka ahaa ee UN-ka Nicholas Haysom ee xasuuqa Baydhabo doodda ka keenay waxaa laga saaray dalka.
Ma aha Maarso 2026 ee waa Deseember, 2018.
Intaas oo dhan waxaa sameeyay ninka asagoo aan xil qaban buug iyo qalin u qaatay si uu Master Buffallo University uga ga qaato xaqiraadda Digil iyo Mirifle.
Qorshihii buuggaas ugu qornaa ayuu billaabay fulintiisa maalintii la doortay February 2017 illaa uu dalka ka baxo. Wuxuu diiday caddaalad siinta ahalka Wasiir Cabbaas Siraaji, wuxuu maalin cad si sharaf daran u bahdilay odaygii ugu weynaa Digil iyo Mirifle Prof. Jawaari, wuxuu ka xayuubiyay xil walba oo ay heysteen illaa uu hal agaasime guud ka soo reebo.
Maalintaan oo ay dhacayaan waxaan oo gabood fal ah, waxaa makroofanka qaatay si jeesjees ah nin awal loo yaqaanay Mahad Lafta Gareen, oo dhowaanahaan loogu yeerayay Taliye Shub. Asagoo ku jees jeesaya Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdullaahi LFC ayuu meel fagaare ah ka yiri:
"Waxaad Laandheere ahaataba maanta anigaa kaa laandheereysan; waxaa ii joogta 1,000 askari, 1,000 kalena waa ii soo socotaa, mudaarahaadna wax iiga ma qaadaysid..... shalay faataxo hadday kuu martay, maanta kuuma marayso".
Kumanaankaas ciidamada ah kama imaan Awdiinle iyo Mooragaabay, waxay ka yimaadeen Muqdisho, waxaana waagaas musharax Cabdicasiis Lafta Gareen laga hayaa muuqaal asagoo leh:
"Ciidanka kala duwan ee jooga halkaan waa ciidan Soomaaliyeed: nabad sugid, boolis iyo militeri".
Dadkii dhiigga walaalalooha oo uu Farmaajo daadinaayo, qaarna sharaftooda kabaha kula tuntay dushooda ku noqday Madaxweyne ama wasiir ayaa maanta na leh dowladda Federaalka waa Hawiye la mid ah kuwii Sept 17, 1995 nagu soo duulay.
Salballaar waxay ku soo duushay aniga adeeraday, waalidkayga, ganacsigooda inta taariikhda taqaana way og yihiin. Kuwo badan oo maanta libintii ay adeeraday u geeriyoodeen sheeganaya, ma ahayn kuwa lagu soo duulay iyo kuwa la dagaalamay midna, qaarkood waxay ahaayeen "Farmuuq" la shaqeeya.
Febraayo 8, 2018, maalintii la doortay Farmaajo, waxaan joogay Boorama, Awdal. Oday adeerkay ah oo daawanaya mudaaharaadyadii "Farmaajo ii geeya" ayaan arkay asagoo ooynaya. Maadaama aan ku ogaa waddaniyad, waxaan u qaatay inuu qiiro la ooynayo. Hadal kuma darsan illaa uu ka yiraahdo, "waxaan ka baqayaa Xabaal Jawaantii 1992 in aan dib ugu noqono".... waxaan dareemay in uu Farmaajo heyb ahaan ula xiriirinayo jabhaddii SNF ee Gen Gaanni iyo Morgan ay hoggaaminayeen ee gabood fallada ka geysatay Koonfurta sannadkii 1992.
Waxay macluul, haraad, silic iyo gumaad u dileen nus milyan (500,000) oo muwaaddin sidan ay Reuters sheegtay. Gargaarkooda waxaa u yimid caalamka oo dhan, ciidamo Maraykan ah, Qaramada Midoobay, madaxweyne Buush, madaxweynaha Ireland Mary Robinson iyo madax badan. Adduunka wuxuu u yaqaana dhacdadaas "Magaaladii Geerida" oo laga wado Baydhabo, reer Baydhabo waxay u yaqaanaan "Xabaal Jawaan", laakiin guud ahaan Digil iyo Mirifle waxay u yaqaanaan "Mareexaan Roorkii = Qaxii Mareexaan".
Markii uu Farmaajo xasuuqay reer Baydhabo Deseember 2018, waxaan rumeystay dareenkii odayga. Wuxuu xasuuqaas u geystay si uu noogu dhex tallaalo qof aan nagu dhaqan ahayn, shacabka Goofgaguud iyo Goorisane Maxaatiri kula hadla, marka Xudur go'doon iyo abaar gasho casuunta fannaaniin u niikiso, suuliyay suugaantii Maay, kuna koobay "Iyeeyow Lafta Gareen Suubanoow", madaxda yar iyo weyn bahdila, heer uu gaaray in xaafadihii Baydhabo loo bixiyo magacyo Maxaatiri ah oo aanan weligay maqlin "Buula Jimeec" iyo "Cadaadda". Xitaa qabiilka uu ka tirsan yahay magacii sharfanaa ee fac ka fac loo yaqaanay u bedelay "Xaryan".
Prof Jawaari oo loo diiday xitaa in uu Baydhabo tago si uu u doonto kursiga jufadiisa Bahoraad ee beesha Eelay ayaa asagoo ciillan wuxuu yiri, "Baydhabo meel ay gob joogto ma aha.
Lafta Gareen waa "Tallaal Baas" fitno ah oo Farmaajo nagu dhex beeray.
Qof walba oo siibista Tallaal Baas ka dhex daya qiiro "waa na lagu soo duulay", caamada u aqri!
WQ Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha Hassan Hoosoow.
WAXAA MASUULIYADDA QORAALKA ISKA LEH QORAAGA.