QM OO ANSIXISAY QARAAR LAGU CAMBAAREYNAYO ADOONSIGII AFRIKA.
(SAWIRKA)-XARUNTA QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK/USA)-Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar taariikhi ah oo lagu cambaaraynayo addoonsigii dadka reer Afrika ee dhacay intii lagu jiray ganacsigii addoomaha ee Badweynta Atlaantikada, iyaga oo ku tilmaamay “dambigii ugu xumaa ee lagula kaco aadanaha." Qaraarkan oo ay soo jeedisay Ghana ayaa sidoo kale ku boorrinaya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay tixgeliyaan bixinta raalli-gelin rasmi ah iyo in la sameeyo sanduuq loogu talagalay magdhow, si loo taageero dadka ay saameeyeen ficilada addoonsiga iyo faracyadiisa, inkastoo aan lagu cayimin lacag gaar ah. Qaraarka ayaa lagu meel mariyay 123 cod oo oggol ah, halka saddex dal oo kala ah Mareykanka, Israa’iil iyo Argentina ay diideen. Sidoo kale 52 dal ayaa ka aamusay, kuwaas oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska iyo dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub. Madaxweynaha Ghana, John Mahama, ayaa sheegay in go’aankani yahay mid taariikhi ah, isla markaana lagu ilaalinayo xusuusta malaayiin Afrikaan ah oo la addoonsaday, iyo weliba jiilasha ilaa maanta la tacaalaya cunsuriyadda iyo sinaan la’aanta ka dhalatay addoonsiga. Warbixinnada taariikhda ayaa muujinaya in intii u dhaxaysay qarniyadii 16aad ilaa 19aad, dad lagu qiyaasay 12 ilaa 15 milyan oo Afrikaan ah in laga qaaday qaaradda Afrika lana geeyay Ameerika si loo addoonsado, halka in ka badan laba milyan ay ku dhinteen safarkii halista badnaa ee Badweynta Atlaantikada. Dalal ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa muujiyay walaac ku saabsan dhinacyada sharciga iyo qaabka qaraarka, iyagoo sheegay in falalkii xilligaas ayna markaas sharci-darro ka ahayn xeerarka caalamiga ah, sidaas darteedna ayna jirin waajib sharci oo magdhow lagu bixin karo. Qaraarkan, inkastoo aanu sharci ahaan waajib ku ahayn dalalka, haddana waxa uu leeyahay culays siyaasadeed iyo mid anshaxeed, wuxuuna sidoo kale ku baaqayaa in dib loo celiyo hantidii dhaqameed ee Afrika laga qaaday xilligii gumeysiga, si wax looga qabto raadadka weli ka muuqda addoonsiga iyo gumeysiga ee dunida maanta.
ISHA-HOL.