SOOMAALIYA IYO ISBEYN OO KALA SAXIIXDAY HESIIS IS AFGARAD.
(SAWIRKA)-WASIIRO.
(MADRID/SPAIN)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Isbeyn ee Madrid ayaa sheegaayo in Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar(Cali Balcad), uu kulan muhiim ah magaalada Madrid kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Spain, Diego Martínez Belío, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Horumarinta dhaqaalaha, Arrimaha badda, dhalinyarada, iyo iskaashiga dhinacyada caalamiga ah. Dowladda Spain ayaa soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u dhiska iyo xasilinta, halka Soomaaliya ay muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ku saleysan danaha qaran. Labada mas’uul ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wada-tashiyada siyaasadeed, kaas oo dhidibada u aasaya hannaan joogto ah oo wada hadal iyo isfaham ah. Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana ka tarjumaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay saaxadda caalamka, gaar ahaan ka mid ahaanshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Horumarkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku ballaarineyso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Yurub iyo beesha caalamka. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha XFS Md.Cali Balcad ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaay dalka Isbeyn, waxa uuna booqasho ku tegay Machadka Diblomaasiyadda Caalamiga ah ee dalka Isbeyn.
ISHA-HOL.