RW-XAMSE CABDI BARRE OO XILALKII KA QAADAY LABA WASIIRUL DAWLO.
(SAWIRADA)-WASIIRADA XILALKA LAGA QAADAY.
(Muqdisho, Khamiis)- 26 Maarso 2026: — Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu xilalkii ey hayeen ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac Iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad, ee Dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha Wasaaradaha. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintan muddadii ay u soo shaqeeyeen Qaranka, isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan. Labadaan Wasiirul Dawlo ee maanta lagu sameeyey xil ka qqadista ayaa ah kuwa horay xilalkooda isaga casilay ka dib markii khilaaf aad u xoogan uu soo kala dhexgalay dawlad Goboleedyadda eey ka soo kala jeedaan ee kala ah Puntland iyo Jubaland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu higaamiyo Md.Mw.Dr.Xasan Sheekh Maxamud.
ISAH-ASNTV.