WASIIR BALCAD OO HADAL KA JEEDIYEY MACHADKA DIBLOMAASIYADDA ISBEYN.
(SAWIRKA)-MASULIYIINTA SOOMAALIDA.
(MADRID/SPAIN)-Wararka laga helaayo dalka Isbeyn caasimadiisa ee Madrid ayaa sheegaayo in Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil.Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), uu hadal ka jeediyay Dugsiga Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Spain. Wasiirka ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray in Gobolka Geeska Afrika uusan hadda ahayn meel laga sheego dhibaatooyin iyo qalalaase oo kaliya, balse uu u istaagay noqdayne gobol leh fursado dhaqaale, isku-xirnaan ganacsi, iyo mas’uuliyad caalami ah, isagoo hoosta ka xariiqay horumarka weyn ee ay Soomaaliya ka samaysay dhismaha dawladnimada, xoojinta nabadgelyada gobolka, iyo doorka ay ka qaadanayso kobaca dhaqaalaha caalamiga ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee diblomaasiyadda dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taas oo ujeeddadeedu tahay in dunida la tusiyo Soomaaliya oo noqota lammaane lagu kalsoonaan karo oo ka shaqeysa xasilloonida, barwaaqada Gobolka iyo tan Caalamka.
ISHA-SNTV.