TALIYAHA NISA EE G/GEDO C/RASHIID JANAN OO SHEEGAY IN KENYA QEYB KA TAHAY DAGAALKA G/GEDO.

(SAWIRKA)-C/RASHIID.

(GEDO)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Gedo ee Garbahaareey ayaa sheegaayo in Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ka hawgala Gobolka Gedo ey saakay oo Isniin ah iska caabiyey weerar lagu soo qaaday Fariisimadooda ey ku leeyihiin duleedka Degmada B/Xaawo ee ka tirsan G/Gedo. Weeararka saakay aroortii horay dhacay ayaa waxaa laga soo abaabulay gudaha degaanka Mandheere ee dalka Kenya,waxaane la soo bandhigay Cagaf-cagafyo wata astaan dalka Kenya kuwaaso ciidamadda DFS ee Gedo ey tuseen warbaahinta Maxaliga ah kuna suga degmada B/xaawo. Arrintaan ayaa waxaa war ka soo saaray Wasaaradda G/dhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,waxa uuna u qornaa sidan: Ciidamadda Qaranka ee ka hawlgala G/Gedo ayaa iska caabiyey weerar ey ku soo qaadeen Maleeshiyaad ka amar qaata Eedeysane Axmed Madoobe. Aroornimadii hore ee saakay ayey Maleeshiyaadka ka amar qaata Eedeysane Axmed Madoobe uuna hogaaminaayey Maxamuud Sayid Adan waxa ey weerar gardarra ah ku soo qaadeen Fariisimadda Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed ee duleedka Degmada B/xaawo. Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa si Geesinima leh isaga caabiyey weerarka waxayna kala eryeen Maleeshiyaadkii Eedeysan Axmed Madoobe,waxaane gacanta lagu soo dhigay toban ka mid ah Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed waxa ey si buuxda ula wareegeen goobihii weerarka laga soo abaabulay. Intii lagu guda jiray hawlgalka Difaac Qaranka waxaa ku shahiiday laba ka mid ah Geesiyada Ciidamadda Qaranka kalna ah (1)-L/Xiddigle.Maxamed Xasan Guutaale iyo (2)-Dable Cali Muxumad Gooni,waxaane alle looga baryaa inuu u aqbalo Shahiidnimadooda,waxa uuna dhaawac soo gaaray ilaa seddex askeri oo kale kuwaaso hadda lagu daaweynaayo xarumaha caafimaadka. Hadda,xaaladda degaankii lagu dagaalay waa mid degan,waxa eyna Ciidamadda Qaranka ey si buuxda hawlan yihiin xaqiijinta amniga,ilaalinta xasiloonida iyo badbaadinta shacabka ku nool G/Gedo. Wasaaradda G/dhiga waxa ey si adag u cambaareysay ficiladda guracan ey ku keceen Maleeshiyaadka Eedeysane Madoobe,waxay sidoo kale Wasaaradu bogaadineysaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed sida xirfadda iyo Geesinimada leh ey u fashiliyeen isku dayga lagu caraqaladeynaayo amniga iyo midnimada Qaranka. Ugu dambeyntii Wasaaradda waxa ey si cad ugu digeysaa Maleeshiyaadka uu qalday Eedeysane Axmed Madoobe iney hubka dhigaan,isa soo dhiibaan,kana waantoobaan ka qeybqaadashada falalka lagu beegsanaayo jiritaanka Qarankooda. Wasaaradda ayaa shacabka G/Gedo ugu baaqday iney garab istaagaan ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MADASHA SAMATABIXINTA IYO DFS OO AAN GAARIN WAX GO’AAN AH,SABABTA?

Next
Next

JARMALKA OO LAGA TARXIILAY 6-KUN QOFOOD INTI U DHEXEYSAY JANAAYO ILAA MAARSO-2025-KA.