MADASHA SAMATABIXINTA IYO DFS OO AAN GAARIN WAX GO’AAN AH,SABABTA?

(SAWIRKA)-SHIRKII SHALAY EE MADAXTOOYADDA.

(VILLA SOMALIA)-Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in galabta uu halkaasi uu kusoo dhammaaday shirkii 4aad ee si toos ah u dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuroyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta oo ah Gole Siyaasadeed ey mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dawladda uu Higaamiyo MW-Dr.Xasan Sheekh. Shirkaan oo ahaa mid looga hadlayey xaaladda Amniga dalka, Arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo khilaafyada Siyaasadeed ee xilligaan ragaadiyey Dowladnimada Somaaliyeed ayaa la soo sheegayaa inaan laga gaarin wax natiijo ah oo ka duwan kuwii hore. Ilo wareedyo ku sugan Muqdisho kuna dhaw Madaxtooyadda ayaa u xaqiijiyey in Madasha Siyaasiyiinta Mucaaradku ku adkaysteen ineysan ka tanaasulin in Madaxweynuhu ka laabto waxka bedelka Dastuurka ee aan heshiiska lagu ahayn, iyadoo Madaxtooyadu qabsatay in fursad la siiyo ilaa Arbacada dambe oo kulan kale loo ballamay. Siyaasiyiinta ayaa ku doodaya in haddii Madaxweynuhu ka laabto waxka bedelka Dastuurka ey wax kama jiraan ka dhigayso Qorshaha Villa Somalia ee Doorashooyinka tooska ah, awood qaybsiga xilalka sare iyo arrimo kale. In wax laga bedelo Afarta Cutub ee Dastuurka dalka uu soo Ansixiyey BJFS labadiisa Aqal ayaa ah mid aad u adag waayo waa in hadane dib loogu celiyaa BJFS labadiisa aqal si wax ka bedel ugu soo sameeyaan mar kale taasne waxa ey u baahan tahay waqti kale in la geliyo ka doodida qodobada wax laga bedelaayo. Labada dhinaca iskuma diidana in dalka ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah lagana maarmo Dawlad Goboleedyadda raadka ey lu leeyihiin soo xulidda Xildhibaanadda iyo Sentarada labada Aqal. Qodobka uu muranka ka taagan yahay ayaa ah Yaa Dooranaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ma shacabka ayaa si toos ah u soo dooranaayo mase Xildhibaanada iyo Senitarada BJFS ee lagu soo doortay Qof iyo Cod?.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO CIRAAQ OO ISKA KAASHANAAYO DHINACA SOCDAALKA.

Next
Next

TALIYAHA NISA EE G/GEDO C/RASHIID JANAN OO SHEEGAY IN KENYA QEYB KA TAHAY DAGAALKA G/GEDO.