TALIYAHA CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO ISBEDEL KY SAMEEYEY TALIYEYAAL.

(SAWIRKA)-TALIYE GARRE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud uu wax ka badal ku sameeyay Hogaanka Ciidamada Xooga Somaliyeed ee ka howlgala deegaanada Maamulka Koofur-Galbeed ka dib markii khilaaf weyni soo kala dhex-galay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkaasi. Sababta ugu weyn ee keentay in si gaar ah isbedel loogu sameeyo Taliyeyaal Ciidan kuna suga degaanadda KGS ayaa mid salka ku heyso xiisadda Siyaasadeed ee hadda ka taagan KGS. Taliyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa qaarkood u hambalyey Mw.Laftagareen ka dib markii uu xiriirkii u jaray DFS halka qaar kalane ey iska diideen amarkii DFS ee ahaa iney iska oo xaadiriyaan Wasaaradda G/dhiga xarunteeda Muqdisho,hadaba Saraakiisha iyo Taliyeyaasha xialalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah kuwaan soo socdo:

(1)-G/le.Sare.C/raxmaan Cilmi Jimcaale Amiin, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Guutada 6-aad ee Qeybta 60-aad ee XDS, xilkaan ayaa waxaa laga qaaday G/le Dhexe. Liibaan Yusuf Garre.

(2)-L/X.C/laahi Maxamed Ibrahim, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ururka 9-aad, Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee XDS. Xilkaan ayaa waxaa laga qaaday L/Xidigle.Isaaq Maxamed Ibraahim. Talaabadaan ayaa imaaneyso waqti xaaladda Amni ee degaanadda KGS ey sii xumaaneyso kooxdii ALshabaabne ey dhinacooda ka wadaan khalkhal gelinta amniga KGS.

ISHA-SBMEDIA.

Previous
Previous

LIX WASIIR OO CAAWA ISKA CASISHAY XILALKII EY AHYEEN.

Next
Next

DAWLADDA KOONFUR GALBEED OO XIRTAY HAWADEEDA.