DAWLADDA KOONFUR GALBEED OO XIRTAY HAWADEEDA.

(SAWIRKA)-GAROONKA SHAATI-GUDUUD BAYDHABO.

(BAYDHABO/KGS)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la hakiyay dhammaan duulimaadyadii ganacsi iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka bixi jiray ama imaan jiray garoomada diyaaradaha iyo meelaha diyaaradaha ka degaan ee deegaannada Koonfur Galbeed. Go’aankan ayaa dhaqan galay 18-ka Maarso 2026, waxaana la sheegay inuu socon doono ilaa amar dambe laga soo saarayo. War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loona hubiyo nidaam iyo kala dambeyn dhanka duulista hawada ah, iyadoo la eegayo xaaladaha jira. Si kastaba, waxaa laga reebay duulimaadyada Qaramada Midoobay (UN) iyo howlgalka AUSSOM, kuwaas oo loo oggol yahay oo kaliya hawlaha bani’aadannimo, caafimaad iyo howlgallo rasmi ah, Diyaaradahan ayaa loo oggol yahay inay qaadaan shaqaale iyo qalab, balse looma oggola inay qaadaan siyaasiyiin iyada oo aan oggolaansho gaar ah laga helin hay’adaha ay khusayso. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in cid kasta oo ku xadgudubta amarkan ay wajihi doonto tallaabo sharci ah oo ay qaadi doonto maamulka Koonfur Galbeed. Dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo howl-wadeennada duulista ayaa lagu amray inay joojiyaan safarradooda qorsheysan iyo kuwa aan qorsheysneyn, isla markaana ay la xiriiraan hay’adaha ay khusayso si dib loogu habeeyo safarrada rakaabka iyo raridda alaabta. Arintan ayaa daba socota Khilaafka Koonfur Galbeed kala dhaxeeya Dowladda federaalka oo dhowr jeer oo todobaadkaan ah joojisey duulimaadyo kusii jeeday Baydhabo. Dhinaca kale, waxaa maanta oo Khamiis ah loo diiday iney tagaan magaaladda Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya ilaaladda Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe, arrintaan ayaa sii hurineysa xaaladda hadda ka taagan KGS oo si aan caadi ahayn u cakiran waqti kastana dagaal lagu hoobto uu ka dhici karaa. Dhinaca DFS, waxa ey Ciidamadda Haramcad uu Hogaaminaayo Taliyahooda C/dheer u daabushay degaanka Gendershe ee G/shabeeladda Hoose ee Maamulka KGS, waxaane halkaasi shalay gaaray Agaasimaha Hayada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) Md.Mahad Maxamed Salaad. Wararka qaarkood ayaa sheegaayo in Ujeedka ciidamadda loo geeyey G/shabeeladda hoose ey tahay in Doorasho ka madax banaan Laftagareen lagu qabto xarunta rasmiga ah ee DG KGS ee Baraawe.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

TALIYAHA CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO ISBEDEL KY SAMEEYEY TALIYEYAAL.

Next
Next

GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO KA HADLAY XAALADDA..