LIX WASIIR OO CAAWA ISKA CASISHAY XILALKII EY AHYEEN.
(SAWIRKA)-XILDHIBANAD SAHUR.
(MUQDISHO)-BREAKING NEWS:-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka socoto Is Casilaad isku xig xigta taasoo ey sameynayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, is casilaada is daba jooga ah ayaa waxaa sameeyey Xildhibaano ka soo wada jeedo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya xubnano ka ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaaso Dawladda Federaalka ku eedeeyey ineyfargelin qaawan ku sameyneyso degaan doorashadooda KGS. Wasiiradaan iska casilay xilalkii ey haayeen ayaa ilaa hadda gaaraayo ilaa Lix Wasiir isuguna jira Wasiir Ku-xigeeno iyo Wasiirul Dawlayaal, mana ku jiro hal Wasiir oo Buuxa. Wasiiradaan is casilay ayaa waxa ey qeyb weyn ka ahaayeen wax ka bedelka dastuurka JFS kaaso muran xoogan dhaliyey, waxayna qaarkood difaacidda mawqifkooda ku aadan wax ka bedelka Dastuurka ku muteesteen in la ganaaxo, maantane waxa ey dhinac istaageen Mw.Laftagareen oo diidan wax ka bedlka dastuurk JFS, arrintaan ayey falaqeeyeyaashu ku macneeyeen in masuuliyiinta is casishay yihiin danleey u taagan halka dani ugu jirto kaliyah balse dan qaran eysan wax shuqul ah ku leheeyn, maantana ey iska gedeyaan Mw.Laftagaree si ey berri ugu soo laabtaan xilalkoodii, hadaba waa kuwee Wasiiradda is casilay:
(1)-Xildhibaan-Axmed Maxamed Mashruuc, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qorshynta iyo maalgashiga Caalamiga ah.
(2)-Xildhibaan-Isaaq Maxamed Mursal, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
(3)-Xildhibaan-Maxamed Aden Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
(4)-Xildhibaanad-Suhuur Xaaji, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha.
(5)-Xildhibaan-Maxamed Yuusuf Xasan(Waliid), Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluuga.
(6)-Xildhibaan-Xuseen Cali Xaaji, Wasiir Ku-xigeebka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedlka Cimiladda.
ISHA-SB-MEDIA/MUQDISHO.