MW.LAFTAGAREEN OO KU HAWLAN DHISIDA GUDI DOORASHO.

(SAWIRKA)-ODAYAASH DHAQANKA EE LAFTAGAREEN.

(BAYDHABO/KGS)-Maalmahaan waxa ey dhibaato isa soo tareyso ey ka taagneed welina ka taagan tahay Dawlad Goboleedk Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS), arrintaan ayaa salka ku heyso khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaanka DG KGS, hadaba si aan wax badan uga ogaano maamulka KGS ayaan waxa aan dib u milicsaneynaa maamulka KGS. Dawlad Goboleedka Koonfur Galbed Soomaaliya waxaa dhidibadda loo aasay taariikdu markeey ahayd 7/11/2014-kii, markii ey taariikhdu ahayd 17/11/2014-kii, waxaa Madaxweynihii ugu horeeyey ey yeelato Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Md.Shariif Xasan Sheekh Aden. Afar sano ka dib kuna beegan 17/11/2028-kii waxaa la doortay Madaxweyanaha hadda xilka haayo Md.C/casiisa Xasan Maxamed Laftagareen, doorashada Laftagareen ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo diidanaay sida wax u socdaan, waxaane Baydhabo laga soo xiray Musharax Madaxweyne Md.Mukhtaar Roobaw Abu Mansuur hadana ah Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee DFS. Maamulka KGS ee hadda jira eyna is hayaan DFS ayaa wada diyaarinta Doorasho dadban sidi ka dhacday maamulka la deriska ah ee Jubaland, sida aan xog dhammaystiran ku helnay hogaanka maamulka KGS ayaa ku hawlan isu keenidda Odayaal dhaqameed u soo xula Xildhibaano dib u doorta Madaxweyne Laftagareen, waxaane jiro warar aan weli la xaqiijin oo sheegaayo in Mw.Laftagareen uu magacaabay Gudi doorasho waxa uuna madax uga dhigay ninka lagu magacaabo Yuusuf Madkeer kuna magac dheer “ Guulaw Amxaar”, Liiska Odayaasha la soo xulay oo aan helay qaar ka mid ah ayaa ka kooban ilaa 43-Oday, waxa eyna kala yihiin:

(1)-Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deeraw, Qabiilka-Disaw.

(2)-Malaaq Maxamed Amiin Ibrahim, Qabiilka-Qoomaal.

(3)-Malaaq Maxamed Xasan Barraw, Qabiilka-Geelidle.

(4)-Malaaq Xasan Maxamed Sheekh, Qabiilka-Waankeel.

(5)-Malaaq C/qaadir Malaaq Xasan Shurre, Qabiilka-Hubeer.

(6)-Malaaq Warsame Xuseen Ibrahim, Qabiilka- Eylo.

(7)-Malaaq Cabdi Cali Ibrahim, Qabiilka-Luwaay.

(8)-Malaaq Cali Maxamed Xasan, Qabiilka-Eemid.

(9)-Malaaq Cali Maalaaq Xasan Cali Qataar, Qabiilka-Yantaar.

(10)-Malaaq Xasan Ibrahim Guhaad, Qabiilka-Haraaw.

(11)-Malaaq Maxamud Maxamed Cabdi, Qabiilka-Hadamo.

(12)-Suldaan Maxamed Ayaanle Samaw, Qabiilka-Hintire.

(13)-Ugaas Maxamed Ugaas Geedi, Qabiilka-Ogaadeen.

(14)-Malaaq Axmed Ibrahim Harami, Qabiilka-Elaay.

(15)-Malaaq Muxyadiin Shariif Adan, Qabiilka-Asharaaf.

(16)-Malaaq C/rashiid Warsame Isxaaq, Qabiilla Hariin.

(17)-Malaaq Umaan Ebdiyaw Eenow, Qabiilka-Helidi.

(18)-Malaaq Adan Cabdi C/raxmaan, Qabiilka- Jiroon.

(19)-Malaaq Daadaw Isxaaq Maxamed, Qabiilka-Leysaan.

(20)-Malaaq Guudaw Xasan Cabdulle, Qabiilka-Jilible.

(21)-Malaaq Cali Yaraw Maxamed, Qabiilka-Garwaale.

(22)-Malaaq Axmed Adan Laamaw, Qabiilka-Gawaween.

(23)-Garaad Maxamed-Nuur Liibaan, Qabiilka-Gasargude.

(24)-Malaaq Booraw Xasan Gareeri, Qabiilka-Reer Dumaal.

(25)-Malaaq Ibrahim Sheekh Salaad, Qabiilka-Yalale.

(26)-Malaaq C/qaadir Maxamed Qaasim, Qabiilka-Weelmooge.

(27)-Malaaq Mawliid Sheekh Nuuraw, Qabiilka-Macallin weyne.

(28)-Malaaq Maxamed Cabdi Boqol Soon, Qabiilka-Qormale.

(29)-Ugaas Nuur Shakooy Jibriil, Qabiilka-Garre.

(30)-Suldaan Xeydar Suldaan Suufi, Qabiilka-Tunni.

(31)-Suldaan Warsame Suldaan Ibrahim, Qabiilka-Jiido.

(32)-Suldaan Buube Cabdulle Buube, Qabiilka-Begedi.

(33)-Suldaan Usmaan Suldaan Axmed, qabiilka-Geledi.

(34)-Suldaan Siidaw Madaw Muuse, Qabiilka-Shanta Caleemood.

(35)-Suldaan C/wahaab Xaji Maxamed-nuur, Qabiilka Dabarre.

(36)-Suldaan Maxamed Baana Fuse, Qabiilka-Barawaan.

(37)-Ugaas Shire Ugaas Warsame Cali, Qabiilka-Wacdaan.

(38)-Ugaas Abuukar Islaw, Qabiilka-Wadalaan.

(39)-Ugaas Adan Diiriye, Qabiilka-Gaadsan.

(40)-Nabadoon Abshir Cumar Abshir, Qabiilka-Biyamaal.

(41)-Suldaan Maxamed Maxamud Cabdi, Qabiilka Reer Aw Xasan.

(42)-Ugaas Cumar Maxamed Da’uud, Qabiilka-Silcis.

(43)-Suldaan Ibrahim Cali Xaaji, Qabiilka-Biya Maal. LA SOCO.

ISHA-SUUQ-BACAAD MEDIA/BAYDHABO.

Previous
Previous

WAX BADAN KA OGOW DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Next
Next

LIX WASIIR OO CAAWA ISKA CASISHAY XILALKII EY AHYEEN.