TALIYAHA CIIDAMADA DIFAACA KENYA OO SOO GAARAY SOOMAALIYA,SABABTA?

(SAWIRKA)-TALIYAHA CIIDAMADA KENYA.

(KISMAYO/GEDO)-Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaac dalka Kenya, S/Guud David Keter ayaa Jimcihii shalay ahaa waxa uu booqday ciidanka dalka Kenya ee ku sugan dawlad Goboleedka J/land. Ciidamadda Difaac dalka Kenya ayaa qeyb ka ah hawlgalka AUSSOM, taliyaha ayaa Soomaaliya u soo gaaray inuu qiimeeyo hawlgallada isla markaasne dhiirrigeliyo ciidanka. Waxaa taliye David Keter soo dhoweeyey Taliyaha Qaybta 2-aad, S/Guuto Edward Banda & Ku Xigeenkiisa, G/Sare Samson Kenga. Wafdiga ka socday dalka Kenya ayaa booqday saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla Dhoobley, Afmadow & Kismaayo. S/Guud Keter ayaa hoosta ka xariiqay doorka hawlgalka uu ku leeyahay wiiqidda awoodda AL-Shabaab, xasilinta deegaannada la xoreeyey iyo xoojinta ciidanka Soomaaliyeed si loo adkeeyo Amniga Qaranka. S/Guuto Banda ayaa soo dhoweeyey booqashada isagoo ku tilmaamay mid waqtigeeda ku timid isla markaasna xoojinayso niyadda ciidanka. Wuxuu mar kale ku celiyay sida Qaybta 2-aad ay uga go’an tahay ka qeyb qaadashada hawlgalka AUSSOM. Booqashada Taliyaha Ciidamadda Difaaca dalka Kenya ee Kismaayo ayaa ah mid ku soo beegmeysa waqti uu halkaas ka jiro khilaaf adag una dhexeeyo DFS iyo DG J/land kuna saabsan cidda maamuleysa Doorashooyinka soo socdo ee dalka ka dhici doono sannadka 2026-ka. Warar ayaa sheegaayo in DFS ey G/Gedo geysay ciidamo dheeraad ah ciidamadda ayaa si gaar ah waxaa loogu gudbin doonaa degmada kala qeybsan ee Beled-Xaawo, waayo degmadaan ayaa ah mid ey gacan ku heynteeda isku hayaan labada dhinac, waxaane degmada Beled-Xaawo horay uga dhacay dagaalo u dhexeeyo DFS iyo DG J/land.

Previous
Previous

MAGACAABISTA MUUNGAAB OO WELI SOCOTA,YAA U DHIMAN?

Next
Next

J/LAND MA ISKA CAABIN DOONTAA IN DFS DOORASHO KA QABATO DHULKEEDA?