J/LAND MA ISKA CAABIN DOONTAA IN DFS DOORASHO KA QABATO DHULKEEDA?

(SAWIRKA)-WAFDIGA J/LAND.

(J/HOOSE)-Dhamaadkii sannadkii hore ee 2024-kii waxa uu dagaal ka dhacay degaanka Raaskambooni ee G/J/Hoose, dagaalka ayaa waqtigaas waxa uu dhexeeyey Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa DG J/land,waxaane ugu dambeyntii dhacday in Ciidamaddii ka socday DFS iney kala firxadaan,qaarkoodna ey galaan dalka Kenya,hadaba ujeedka dagaalka Raaskambooni muxuu salka ku haayey? DFS damaceeda ayaa ahaa in maamulka J/land ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iney si xoog ah ugala wareegto gacan ku heynta magaaladda Kismaayo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee DG J/land,maxay sameyn karta DFS? Dawladda Federaalka Soomaaliya,waxa ey dagaalka bedelkiisa sameyn kartay iney dhisto maamul ey iyada aqoonsan tahay saldhigiisuna yahay magaaladda Garbahaareey ee ah caasimadda G/Gedo iyadoo eysan wax dhibaata ah dhicin, hadda maxaa socdo ey wadaa DFS? Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda wada qorshe ah iney Gedo ka sameyso maamul iyada taabacsan si ey halkaasi uga hirgeliso Doorasho Qof iyo Cod ah, waxa eyna wararku sheegayaan in DFS ey hadda bilawday iney G/Gedo geyso Hub iyo Ciidan fara badan si halkaasi looga sameeyo Doorashada ey wado DFS. Dhinaca DG J/land oo si aad ah u fahansan arrimaha ey wado DFS ayaa isna bilaabay sidii uu arrimahaas uga hortegi lahaa,waxaane wafdi uu hgaaminaayo Madaxweyne ku Xigeenka J/land Maxamud Siyaad iyo masuuliyiin kale oo la socoto ey maanta gaareen magaaladda Beled-xaawo ee G/Gedo,waxaane halkaasi horay ugu sugnaay Wasiiro iyo Xildhibaano ka wada tirsan DG J/land. Xaaladda DG J/land ayaa bilihii la soo dhaafay ahayd mid aad u cakiran ka dib markii DFS ey saartay cunaqabateyn dhinaca Duulimaadka,taasoo sababtay in Ganacsigii degaanadasi uu si weyn hoos ugu dhaco,Ganacsatadiine ey lacagahooda u xawishaan dibadaha.

SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Next
Next

WASIIR NAJIIB BARKHADLE OO KA HADLAY SHIRKA BAAQDAY.