MAGACAABISTA MUUNGAAB OO WELI SOCOTA,YAA U DHIMAN?
(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA LA MAGACAABAY.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii la magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md,Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” kuna beegan 28/5/2025-ka waxa uu isbedelo aad u waa weyn ku sameeyey Agaasinka Waaxaha uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir, isbedelkii ugu dambeeyeyne waxa uu sameeyey maalintii shalay ahayd kuna beegneed Sabti-12/7/2025-ka. Isbedelka uu sameeyey Md.Muungaab shalay ayaa waxa uu saameyey: (1)-Agaasimaha Waaxda Xoghayanta Guud ee Gobolka Banaadir,waxaane loo magacaabay Md.Mustafa Maxamed Macallin, waxaane xilkaan laga qaaday Md.Maxamed Afrax Xusuleey. (2)-Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada D/hoose ee Xamar, waxaa loo magacaabay Md.Zakariye Bashiir Muude, waxaane xilkaan laga qaaday Md.Maxamed Xasan Casir. (3)-Agaasimaha Waaxda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Gobolka Banaadir, waxaa loo magacaabay Basiim Ilyaas Muuse, waxaane xilkaan laga qaaday masuuliyiinta kala ah Md.Mustafa Maxamed Macallin iyo Md.C/qani Axmed Xasan. (4)-Agaasimaha Agaasinka Guud ee Waxbarashada G/Banaadir, waxaa loo magacaabay Md.C/raxman Cali Maxamed, waxaane xilkaan laga qaaday Md.Maxamed Yusuf Nuur. (5)-Agaasimaha Waaxda Teknooloojiyadda iyo Loojistikada ee G/Banaadir, waxaa loo magacaabay Md.Axmed C/salaan Cumar, waxaane xilkaan laga qaaday Md.Yuusuf Cabdi Calasaw. (6)-Agaasimaha Waaxda Canshuuraha G/Banaadir, waxaa loo magacaabay Md.C/rashiid Maxamed Xuseen, waxaane xilkaan laga qaaday Marwa Sowda Xuseen Suudi. (7)-Agaasimaha Waaxda Suuqyadda G/Banaadir waxaa loo magacaabay Md.Nuur Xuseen Xasan,waxaane xilkaan laga qaaday Md.Maxamed Cabdi Cujub. Isbedeladda uu wado Gudoomiye Muungaab ayaa ah kuwa looga gol leeyahay dardargelinta hawlaha Gobolka Banaadir oo noqday kuwa fadhiid ah eyna kasoo yeereen cabashooyin fara badan, gudoomiyaha ayey shacabka Gobolka Banaadir uga fadhiyaan inuu gaarsiiyo horumar la taaban karo bacdamaa uu xilka Gobolka Banaadir uu mar kale ku soo laabtay iyadoo ey hadda socdaan Diiwaangelinta Cod bixiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir kuwaaso Golayaasha Degaanka ee degmooyinka Gobolka soo dooran doono dhammaadka sannadkan 2025-ka.
ISHA-SB-MEDIA.