TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA DALKA YEMAN.

(SAWIRKA)TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN.

(YEMAN)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Cadan ee ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegaayo in laba Doonyood ey la socdeen dad gaaraayo ilaa 350-Qof oo tahriibayaal Itoobiyaan ah eyna ku jiraan Haween ey shalay fiidkii soo gaareen Xeebta Kiidah ee degmada Radhuum Gobolka Shabwa,iyadoo mawjadihii ugu dambeeyey ee socdaalka aan sharciga ahayn ey ku soo gaarayeen Xeebaha dalka Yeman. Booliska Gobolka Shabwa ee dalka Yeman ayaa sheegay in doonidii 1-aad ey saaranayaeen 110-Qof oo Rag ah iyo 40-Qof oo Dumar ah halka Doonta labaad ey saarnaayeen 150-Qof oo Rag ah iyo 50-Qof oo Dumara ah kuwaaso dhammaantood si sharci darra ah ku soo galay Xeebaha dalka Yeman kana yimid Gobolka Geeska Afrika. Maamulka degaanka iyo Laamaha Amniga ayaa bilaabay iney la tacaalaan Muhaajiriinta la qabtay iyadoo loo kaashanaayo masuuliyiinta ey khuseyso sida waafaqsan nidaamla sharciga ah iyo xeerka bani’adanimo ee lagu dabaqi karo.

ISHA-ALXARAF28.

Previous
Previous

6-TAHRIIBE WEY GEERIYOODEEN 60-KALANE WAA LA LA’AYAHAY.

Next
Next

MADAXWEYNAHA IMAARAATKA OO KHADKA TELEFOONKA KULA HADLAY DHIGIISA IRAAN.