6-TAHRIIBE WEY GEERIYOODEEN 60-KALANE WAA LA LA’AYAHAY.

(SAWIRKA)-DOON SIDA TAHRIIBAYAAL.

(LIBYA)-Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) ayaa ku dhawaaqday dhimashada 6 qof oo Tahriibayaal ah, halka 60 kalena la la’yahay xilli ey isku dayayeen iney ka tahriibaan Xeebaha Liibiya una gudbaan Yurub todobaadkii ugu horeeyay ee bishaan June. Tirakoobkeeda toddobaadlaha ah ee lagu daabacay Facebook, IOM waxay ku sheegtay in 635 muhaajiriin ah lagu qabtay badda Mediterranean-ka oo dib loogu celiyay Liibiya isla muddadaas, ka dib markii ey ka soo ambabaxeen xeebaha Tripoli, Al-Zawiya, iyo Sabratah. Muhaajiriintan ayaa waxaa ka mid ahaa (19) carruur ah, (557) Rag ah iyo (32) Dumar ah, kuwaas oo dib loogu celiyay xarumaha lagu hayo ee Tripoli, sida ey sheegtay Hayadda IOM, waxayna intaas ku dartay in intii u dhaxaysay January 1 ilaa June 14 ee sanadkan-2025-ka in (249) muhaajiriin ah ey ku dhinteen badda Mediterranean-ka, halka (226) kalena la la’yahay. Isla muddadaas, (10,634) muhaajiriin ah ayaa dib loogu celiyay Liibiya, kuwaasoo laga soo qaaday badda Mediterranean-ka, oo ey ku jiraan (1,001) Haween ah, (364) Carruur ah, iyo (9,124) Rag ah. Hayadda IOM waxay soo cusboonaysiisay baaqeeda ah in la xoojiyo dadaallada ilaalinta iyo gargaarka bini'aadantinimo ee soogalootiga, iyadoo ey sii dheer tahay baahida loo qabo in xal waara loo raadiyo dhibaatada socdaalka sharci darrada ah ee Gobolka.

ISHA-LIBYA OBSERVER.

Next
Next

TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA DALKA YEMAN.