10-KII SANO EE LA SOO DHAAFAY IMISA AYAA BADDA LAGA SOO..

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL LIIBIYA KA BAXAY.

(BERLIN)-Hay'adaha samata bixinta badaha ayaa sheegay Arbacada maanta ah in in ka badan 175,000 oo qof ey ka soo saareen badda Mediterranean-ka 10-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo mowjado muhaajiriin ah ey doonayeen iney adeegsadaan marinka halista ah ee badda si ey u gaaraan Yurub. Kooxda 21 NGOs ee ka hawlgasha gobolka ayaa ku qiyaasay in ugu yaraan 28,932 qof ey dhinteen iyagoo isku dayaya iney badda ka gudbaan tan iyo 2015kii. Inta badan waxay ku dhinteen bartamaha Mediterranean-ka ee u dhexeeya Libya, Tunisia, Italy iyo Malta, Mirka Schaefer oo ka tirsan NGO-ga Jarmalka ee SOS Humanity ayaa sidaa ku sheegay shir Jaraa’id oo ey ku qabatay Berlin. Aaggaas dhibaatada ka dhacda ayaa ah mid u dhiganta shan qof oo waa-weyn iyo hal ilmo ah ayaa naftooda ku waaya maalin kasta tobankii sano ee la soo dhaafay, ayay tiri. Tirada kiisaska aan la diiwaan gelin waxay u badan tahay iney "aad u badan tahay," ayay raacisay. 21 ka mid ah hay'adaha hadda ku hawlan badbaadinta badda ee gobolka, 10 ka mid ah waxay ku sugan yihiin Jarmalka. Inta u dhaxaysa kooxuhu waxay wataan 15 Doonyood, afar Markab oo shiraac ah iyo afar Diyaaradood. Hay'adaha ayaa marar badan isku dhacey mas'uuliyiinta howlaha samatabbixinta, kuwaasoo la bilaabay markii dhibaatada socdaalka Yurub ey dillaacday 2015-kii, markaasoo boqolaal kun ey u jiheysteen qaaradda, oo badi ka yimid Bariga Dhexe. Dalka Talyaaniga xukuumadda hadda jirta waxay wacad ku martay iney joojinayso isgoysyada waxayna weerartay hay'adaha aan dawliga ahayn si ey u abuuraan "wax soo jiidasho" taasoo dhiirigelisa bixitaannada, wax kormeerayaasha socdaalka ey yiraahdeen waa mid aan la hubin. Xukuumadda Giorgia Meloni ee midigta adag ayaa soo saartay sharciyo u baahan in maraakiibta samatabbixinta ey ku noqdaan deked loo qoondeeyay, tallaabadaas oo ey NGO-yadu sheegeen in uu lid ku yahay sharciga badda. "Cadaadiska nalagu hayaa waa uu sii kordhayaa," ayuu yiri Schaefer, isagoo dhaleeceeyay taageero la'aanta dowladda Jarmalka. Ururada samatabbixinta waxay ugu baaqeen Berlin iney taageerto "barnaamij wax ku ool ah, oo isku dubaridan samatabbixinta badda, oo ey si buuxda u maalgelisay Midowga Yurub," afhayeenka Sea Watch Giulia Messmer ayaa ka sheegtay shirka jaraa'id. Soo jeedinta, oo loo diray dawladda Jarmalka iyo guddiga Yurub, ayaa ku baaqday in Midowga Yurub uu ku bixiyo inta u dhaxaysa € 108 milyan-€ 240 milyan ($ 124 milyan- $ 276 milyan) sannadkiiba ilaalinta badbaadada iyo xarumaha soogalootiga.

ISHA-AN.

Previous
Previous

ALSHABAB FARA BADAN OO HOOBTAY DUQEYN KA DHACDAY J/HOOSE.

Next
Next

6-TAHRIIBE WEY GEERIYOODEEN 60-KALANE WAA LA LA’AYAHAY.