ALSHABAB FARA BADAN OO HOOBTAY DUQEYN KA DHACDAY J/HOOSE.
(SAWIRKA)-ALSHABAAB ISA SOO DHIIBAY.
(KISMAYO)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa shalay iyo maanta fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday Saldhigyo iyo Fariisimo ey kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Maqooqaha, oo qiyaastii 10km u jirta saldhigga ciidamada Jubbaland ee ku yaalla tuulada Bulo-xaji, 90km dhinaca Waqooyi-Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Cadowga Khawaarijta oo isku uruursanayay deegaanka Maqooqaha iyo nawaaxiga tuulada Xalima-cadey, ayaa la xaqiijiyey iney wadeen qorsheyaal ey ku doonayeen iney weerarro gaadmo ah ku qaadaan saldhigga ciidamada Jubbaland ee Bulo-xaji. Si looga hortago khatartaas, waxaa la qaaday tallaabo deg deg ah oo duqeyn ah oo si gaar ah loogu beegsaday goobaha ey ku sugnaayeen horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta. Duqeymahaas ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh. Sida ey xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadda ayaa waxaa halkaasi lagu dilay 25 dhagarqabe, oo 5 ka mid ah ahaayeen horjoogayaal sare, halka 20 kale ey ahaayeen maleeshiyaad. Waxaa sidoo kale duqeyntu ku burburtay afar gaari oo ey Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo weerarada lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed. Hawlgalkaan wuxuu muujinayaa feejignaanta iyo dadaalka joogtada ah ee ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah ey ugu jiraan sidii loo dabar-goyn lahaa Khawaarijta, loona xaqiijin lahaa amniga shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Ibraahim Nuur, oo magaciisa afgarashadu yahay (Farxaan) kana tirsanaa kooxda Argagixisada ALshabaab ayaa isku soo dhiibay laamaha Amniga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Farxaan ayaa laamaha amniga ku wareejiyay qori iyo booshkiisa, kuwaasoo uu kala soo goostay kooxda Argagixisada. Isa-soo dhiibidda Ibraahim Nuur ayaa keentay inuu u adkeysan waaye dhibaatada iyo gaajada duurka ku heysa Khawaarijta kuwaasoo ka dhuumanaya baacsiga Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland.
ISHA-SNTV.