DEG DEG: SAFAARADDA MARAYKANKA EE QUDUS OO BAAQ U DIRTAY MAWAA…

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY DHISMAYAASHA TEL AVIV.

(WASHINGTON)-Safaaradda Maraykanka ee Quddus ayaa ka shaqaynaysa sidii ey u diri lahayd duullimaadyo lagu daadgureynayo iyo maraakiibta dalxiiska ee muwaadiniinta Maraykanka ee doonaya iney ka baxaan Israa’iil iyadoo ey weli socoto colaadda dalkaas ka jirta ee kala dhaxaysa Iran, Safiirka Maraykanka ee Israa’iil Michael Huckabee ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay maalintii lixaad ee dagaalka Israa'iil iyo Iran, kaasoo la arkayey duqeymo cusub oo la is weydaarsaday habeennimadii Arbacada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Isniintii kor u qaadday la-talinta safarka ee Israel Heer 4 "ha safrin," digniinta ugu sarreysa ee safarka ee suurtagalka ah. "Ogaysiis deg deg ah! Muwaadiniinta Mareykanka ee doonaya iney ka baxaan Israel-Safaarada Mareykanka ee Israel waxay ka shaqeynayaan duullimaadyada daadgureynta & dhoofinta maraakiibta," Huckabee ayaa soo dhigay barta(X) ee horay loogu yaqiin Twitter. "Waa inaad iska diiwaan gelisaa Barnaamijka Isdiiwaangelinta Safarka Smart (STEP). Ilaa hadda ma cadda goorta la heli karo duullimaadyada iyo maraakiibta dalxiiska, balse waa warkii ugu horreeyay oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ah iney fududeyn doonto daad gureynta muwaadiniinta Mareykanka.  Arbacada maanta ah ayuu Madaxweyne Trump wuxuu muujiyay suurtagalnimada in Maraykanku uu ku biirto duqaymaha ey Isra’iil ku hayso Iran.“Waa laga yaabaa in aan sameeyo, laga yaabo in aanan samayn, qofna ma garanayo waxa aan samayn doono” ayuu Mr. Trump u sheegay warfidiyeenka mar wax laga waydiiyay in Maraykanku ku lug yeelan doono duqaymaha lagu hayo xarumaha Nukliyeerka iyo militariga ee Iran. Mr.Trump ayaa ugu baaqay Iran in ey gabi ahaanba is dhiibto. Balse hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran,  Ayatollah Ali Khamenei,ayaa sheegay in wadankiisu aanu is dhiibi doonin, wuxuuna uga digay Maraykanka faragelinta militari. Dagaalka u dhexeeyo Iraan iyo Isra’iil ayaa soo bilawday maalintii Jimcaha bisha Juun ey ahayd 13-ka,waxaane weerar culus qaaday Isra’iil iyadoo dishay Saraakiil sar sare oo Ciidamada Iraan ka tirsan iyo Saynisyahano dhinaca Nukliyerka ah,ilaa hadda lama yaqaano dhibka soo gaaray Isra’iil oo ey ku socdaan weeraro Gentaalo ah iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka. Bariga dhexe ayaa halis weyn ugu jira inuu ka dhaco dagaal lagu hoobto,waxaane soo kordheysa cabsida laga qabo in Maraykanka uu ku soo biiro dagaalka soona garab istaago Isra’iil.

ISHA-CBS NEWS.

Previous
Previous

KOOXHA REAL MADRID IYO AL-HILAL OO ISKU MARI WAAYEY (1-1).

Next
Next

ALSHABAB FARA BADAN OO HOOBTAY DUQEYN KA DHACDAY J/HOOSE.