KOOXHA REAL MADRID IYO AL-HILAL OO ISKU MARI WAAYEY (1-1).
(SAWIRKA)-KOOXDA REAL MADRID.
(USA)-Goboladda dalka Maraykanka waxaa si habsi leh hadda uga socdo Tartanka Koobka Kubadda Cagta ee Naadiyadda Caalamka(FIFA CLUB WORLD CUP-2025). Tartankaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo ilaa 32-kooxood kana kala socoto ilaa lix Xiriir oo Adduunka ka jira Fiifa-na ey aqoonsa tahay. Tartankaan ayaa soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 14/6/2025-ka waxa uuna dhammaan doonaa 13/7/2025-ka,kooxaha 32-ka ah ayaa loo qeybiyey ilaa sideed wareeg(A-H) kaaso halkii wareeg ey ku jiraan afar kooxood, kooxaha ayaa cayaari doono 63-kulan oo buuxa. Kooxaha ayaa ka kala socdo dhammaan Qaaradaha Caalamka waane sidaan”Yurub-12-kooxood, K/Ameerika-6-kooxood, Afrika-4-kooxood, Asiya-4-kooxood, Waqooyiga,Bartamaha iyo Kariibiyaan- 4-kooxood, Maraykanka 1-koox iyo Oceania-1-koox”. Dalka Maraykanka oo Martigelinaayo kulamadaan ayaa ugu talagaly iney ka dhacaan ilaa 11-magaalo oo kala ah”Georgia-Atlanta, Charlotte- North Carolina, Cincinati-Ohio, Los Angels-California, Miami- Florida, Nashville-Tennessee, Pennysylvania-Philadelphia, East Ruther Ford-New Jersey, Orlando-Florida, Washington-Seattle, iyo Washington DC.” Kulanada maanta ilaa caawa dhacaayo ayaa kala ah Wareega(G)-Manchester city Vs Waydad AC (2-0), AL-ceyn Imarati Vs Vs Juventus(italy) caawa, Wareega (H)-Real Madrid Vs Hilal Sacudi(1-1),Wareega (H) waxaa kaloo ciyaarayo CF Pachuca Vs Zlsburg,hadda ayey socotaa. Waan idinla wadaagi doonaa wixii natiija ah ee ka soo baxa kulanadda dhiman ee dhacaayo galabta iyo caawa.
ISHA SUUQBACAAD MEDIA/NORTH AMERICA.