MARAYKANKA OO ISUGU YEERAY KOONGO IYO RUWANDA,SABABTA?

(SAWIRKA)-CIIDAMADA DALKA RWANDA.

(KIGALI)-Wadamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda ayaa lagu wadaa iney saxiixaan heshiis nabadeed 27-ka June, sida ey ku sheegeen bayaan ey si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Arbacadii shalay ahayd. Kooxaha farsamada ee dalalka ayaa horey u bilaabay qabyo qoraalka, kaasoo la filayo in si rasmi ah loogu saxiixo magaalada Washington toddobaadka soo socda. Heshiiska nabadeed ee qabyada ah ayaa ujeedkiisu yahay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda bariga Congo, halkaasoo fallaagada M23 ee Rwanda ey taageerto ey horumarro la taaban karo ka sameeyeen bilowgii sanadkan, iyagoo qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee Goma iyo magaalada Bukavu."Heshiiska waxaa ka mid ah qodobbo ku saabsan ixtiraamka wadajirka dhulka iyo mamnuucidda colaadaha, kala qaadista, hub ka dhigista, iyo ku-biiridda kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn," ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

MARAYKANKA AYAA GADAAL KA RIIXAYA NABADA BARIGA KOONGO: 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa goobjoog ka noqon doona xafladda saxiixa rasmiga ah toddobaadka soo socda. Heshiiska lagu dhawaaqay Arbacadii ayaa ku dhismaya ku dhawaaqida mabaadi'da ey labada dal kala saxiixdeen bishii Abriil. Waxa ey astaan ​​u noqon doontaa horumar uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayo in uu ku joojiyo colaadda bariga Kongo oo uu balaayiin doollar ku soo jiido maalgashiga Reer Galbeedka ee Gobolka Qaniga ku ah Macdanta. Laakiin ma cadda in Isbahaysiga Wabiga Congo oo ey ku midaysan yihiin kooxaha fallaagada ah oo ey ku jiraan M23 ey ku adkeysan doonaan. Qoraalka waxaa ku jira qodobbo ku saabsan "ka-qaadista, hub ka dhigista, iyo ku-biiridda shuruudda ee kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn."

INTA BADAN WAA LA JEBIYEY XABAD JOOJINTII:

Khubarada Rwanda iyo Koongo ayaa laba jeer sannadkii hore gaaray heshiisyo ey Angola dhexdhexaadineysay oo ku saabsan ka bixtaanka ciidamadda iyo hawlgaladda wadjirka ah ee ka dhanka ah falaagadda HUTU-ga iyo kooxda FDLR,laakin Wasiiradda labada dal ayaa ku guuldareystay iney ansixiyaan heshiisyadaas. Angola ayaa dhexdhexaadin ka tagtay bishii March ka dib isku dayo dhowr ah oo lagu doonayey in lagu xaliyo weerarada sii xumaanaya oo ey geystaan kooxaha ey Rwanda taageerto ee bariga Congo. Dagaallada ayaa sii xoogeystay sanadkan iyadoo fallaagada M23 ee Rwanda ey taageerto ey u dhaqaaqeen iney qabsadaan labada magaalo ee ugu waaweyn gobolka, waxaana ku barakacay kumanaan qof. Kongo waxa ey Rwanda ku eedaysay iney M23 ku taageerto ciidan iyo hub, halka Rwanda ey beenisay iney caawiso kooxdaas,waxa eyna Rwanda sheegtay in ciidamadeedu ey is difaacayaan.

ISHA-DW.

Previous
Previous

IMTIXAANKA SHAHAADADA D/SARE OO MAANTA SOO DHAMMAADAY.

Next
Next

KOOXHA REAL MADRID IYO AL-HILAL OO ISKU MARI WAAYEY (1-1).