IMTIXAANKA SHAHAADADA D/SARE OO MAANTA SOO DHAMMAADAY.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah kuna beegan 19/6/2025-ka uu si rasmi ah uu u soo gabagaboobay Imtixaana Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare ee dalka Soomaaliya Imtixaankaan ayaa waxaa ka qeybgalay arday gaareysa ilaa 39,379-arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho,waxaa Wasaaradda ka socday shaqaale gaaraayo ilaa 3-kun qofood isuguna jira Macallimiin iyo Kormeerayaal,waxaa kaloo ka qeyb qaatay ilaa 2-kun askeri kana tirsan Ciidamada Booliska, waxa uuna ka dhacay Imixaanka ilaa 38-magaalo iyo G/Banaadir. Dhamaan xarumaha lagu galay ayaa ah kuwa gaarayo ilaa 140-Xarumood kuwaaso 64-xarun oo ka mid ah ey ku yaaliin G/Banaadir. Imtixaanka Shaadiga ey qaado Wasaaradda Waxbarashada,Hiddah iyo Tacliinta Sare ee XFS ayaa soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 14/6/2025-ka,waxaane Imtixaanka daah furay Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ey wehliyaan Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Booliska Qeybta G/Banaadir. Imtixaanka Shahaadiga ah ey qaado XFS waxaan ka qeybgelin Dawlad goboleedyadda Soomaaliland iyo Puntland kuwaaso in muddo ah ahba diidanaay nidaamka Imtixaanadda ee DFS.

Previous
Previous

RW-NETANYAHU OO KA HADLAY DAGAALKA ISRA’IIL IYO IRAN.

Next
Next

MARAYKANKA OO ISUGU YEERAY KOONGO IYO RUWANDA,SABABTA?